Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Morocco oo gaartay laba kun oo qof

Waxaa korodhay tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii habeenkii Jimcaha ka dhacay Buuraleyda Atlas ee dalka Morocco.

Tirada dhimashada ayaa hadda gaartay 2,012 qof, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo in ka badan 2,059 qof, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

"1,404 qof oo ka mid ah dadka ku waxyeeloobay dhulgariirka ayay xaaladoodu tahay mid garaab ah." Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Khasaaraha nafeed ayaa ka badan kara inta laga warqabo. Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ayaa wada naf badbaadin. 

Dad badan oo lagu la'yahay nolol iyo geeri ayaa laga baadi-goobaya burburka dhismayaasha.

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 6.8 magnitude ayaa saameeyay lix ka mid ah gobolada dalkaasi. 

Magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Marrakech ayaa ah magaalada ugu weyn ee ku dhow xudunta goobta uu dhulgariirku ka dhacay. Dhismayaasha ku burburay Marrakech waxaa ka mid ah kuwo ay Hay’adda UNESCO u diiwaangelisay goobo taariikhiya.

Dadka ku nool goobaha uu dhulgariirku saameeyay ayaa weli la anfariirsan dhulgariirkaasi iyo waxyeelada ba'an uu gaystay.

Aqalka Boqortooyada ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, ka dib dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa muddo tobanaan sano ah.