Toogasho dad ku dhinteen oo ka dhacday dalka Jarmalka

Nin hubeysan ayaa caweyskii xalay toogasho ka gaystay magaalada waqooyiga Jarmalka ku taala ee Hamburg.

Ninkan ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay dad ku sugnaa hoolka shirarka ee dhismaha kaniisadda Jehovah's Witness (Witnesses).

Gaadiidka Gurmadka Degdegga ayaa goobta ka daadgureeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi, iyadoo goor dambana ay Saraakiisha Booliska sheegeen in illaa toddobo qof la ogyahay inay ku dhinteen weerarkaasi, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. 

Booliska Hamburg ayaa sheegay inay rasaas ka maqleen dabaqa koowaad ee dhismahaasi, isla-markaana ay ugu taggeen meydka nin, loo maleynayo inuu weerarkaasi gaystay.

Afhayeen u hadlay Booliska Hamburg oo lagu magacaabo Holger Vehren ayaa sheegay inaanay haynin caddeymo muujinayo cid kale oo ninkaasi ku wehlisay weerarka ka dhacay Degmada Gross Borstel ee magaaladaasi.

Vehren ayaa Warbaahinta u sheegay in illaa iyo hadda aanay haynin macluumaad rasmi ah, oo la xiriira ujeedada weerarka.

Booliska ayaa hadda gacanta ku haya goobta uu weerarku ka dhacay, iyadoo shacabkana la faray inaanay guryahooda ka soo bixin, isla-markaana ay ka fogaadaan wararka been abuurka ah.

Duqa Magaalada Hamburg, Peter Tschentscher ayaa weerarkan ku tilmaamay mid naxdin leh, isagoona tacsi u diray qoysaska dhibaneyaasha.