Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dagaalka waaberigii saakay ka bilowday magaaladaasi uu soo gaaray gabal-dhicii maanta, iyada uuna dagaalku ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Dagaalka oo markii hore ka qarxay goobaha ay labada dhinac isku horfadhiyaan ee jiidda bari iyo dhanka galbeed ee duleedka magaalada ayaa markii dambe si guud u saameyay magaaladaasi.

Dadka rayidka ee ku haray Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa laga soo xigtay in madaafiic xoog lihi ay ku soo dhaceen xaafadaha magaalada, ayna gaysteen khasaare naf iyo maalba leh.

Goobaha caafimaadka ee magaalada ayaa la geeyay dad rayid ah oo ku waxyeeloobay dagaalka, inkastoo aysan caddeyn khasaaraha dhabta ah ee rayidka ka soo gaaray dagaalkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa shan iyo soddon nin oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen furimihii ay maanta isku fara-saareen, halka dhaawacuna uu ka badan yahay lixdan kale.

Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeyay in uu weerarka soo qaaday, iyadoona ay guulo ka sheegteen dagaalka. Dhinacyada ayaa soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalka ku qabteen.

General Faysal Cabdi Bootaan oo ka mid ah Saraakiisha Militariga Somaliland ayaa sheegay in ciidamo isugu jira kuwa Puntland iyo waxa uu ugu yeeray argagixisada ay saakay soo weerareen fariisimaha Ciidanka Somaliland, isla-markaana ay ciidamadu si weyn isaga caabiyeen.

"Ciidamadu waa rogaalceliyay waana jebiyay, waxaa laga qabsaday halkan aad arkaysaan, waa fariisinkii xeradoodu ahaa ee ay xalay u hoydeen, gulufka dagaalkana ka soo abaabulay, Ciidanka Qarankana waxaan leeyahay waad guuleysateen." Ayuu yiri General Bootaan oo Telefishinka Somaliland kula hadlay jiidda hore.

General Bootaan oo dagaalkii maanta ku sheegay mid aad u xoogan ayaa dhanka kale sheegay in ay gacanta ku hayaan tiro maxaabiis ah, isagoona ciidamada faray in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiistaasi.

Afhayeenka Guddiga 33-ka Oday Dhaqameed ee reer Laascaanood, Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) ayaa Militariga Somaliland ku eedeeyay in ay saakay weerar dhowr jiho leh ku soo qaadeen magaalada, ayna Somaliland ka masuul tahay wixii dhib ah ee maanta ka dhacay magaaladaasi.

"Waxaanu leenahay waxa ka dhacay magaalada oo ay sameeyeen Ciidamada Somaliland, iyagaa if iyo aakhiraba masuul ka ah. Annagu waxaanu ixtiraameynay xabad joojintii iyo xalkii laga raadinayay in nabadgelyo lagu soo dabaalo deegaanka." Ayuu yiri Falaalug.

Falaalug ayaa yiri "Maamulka Gobolada Waqooyi ka jira ee weerarka soo qaaday, oo haddana soo jeedinaya eedeymaha uu leeyahay cid baa i soo weerartay, magacyada kala bedelana u bixinaya, waxaanu leenahay waxaa ay ka hadlayaan oo ay sheegayaan ama eedeynta ay dusha ka saarayaan dhinacayaga, wax alla wax ka jiraa ma jiraan."

Dagaalka maanta dib uga qarxay Laascaanood ayaa imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay xaaladda magaaladu ahayd mid degan.