Wararkii ugu dambeeyay gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza

12 baabuur oo gargaar sida ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii galay Marinka Gaza, ka dib markii ay ka soo gudbeen xuduudda Masar iyo Gaza.
Gaadiidkan ayaa siday gargaar ka kooban cunto, dawo iyo biyo, iyadoona aan illaa iyo hadda wax shidaal ahi la gaynin Marinka Gaza, tan iyo markii ay Israel ogolaatay in gargaar yar la gaarsiiyo magaalada.
Hay'adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in tan iyo Sabtidii, markaas oo la ogolaaday gargaarka ay Gaza gaareen 74 baabuur oo sida raashiin, biyo iyo sahay dawo ah.
Iyadoo dowladaha gobolka iyo kuwa kale ee dunida ay xadka Rafah gaynayaan gargaar uu qayb ka yahay shidaalka, haddana Israel ayaa ka biyo diidan in shidaalkaasi la gaarsiiyo Gaza.
Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Gaza ayaa sheegay in ay si weyn u xadideen howlahooda shaqo, sababo ku aaddan kaydka shidaalkooda oo gabaabsi ku dhow.
Qaramada Midoobey ayaa xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza ku sheegtay mid aanay cidina qiyaasi karin.
Ciidanka Cirka Israel ayaa sii wada duqaynta xoogan ay toddobaadkii 3aad ka gaysanayaan Gaza, iyadoona ay dadka reer Gaza dhibane u noqdeen duqayntaasi.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha Israel ay hadda kor u dhaaftay toddobo kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad saddex kun oo carruur ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay oo keliya ay duqaymaha Israel ku dhinteen 500 oo qof.
Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si cad uga hortimid baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la ilaaliyo dadka rayidka ee aan waxba galabsan.


