Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ka socda Gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan maleeshiyada Al Shabaab ee ka dagaalamaya qaybo ka mida Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa maanta si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Cammaara, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyadaasi.

Ciidamadan ayaa ah kuwii Sabtidii dagaalka culus kula wareegay deegaanka Qodqod, ee maalmo ka hor ka soo qalab qaatay Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay hawlgal guri guri ah ka wadaan xaafadaha Cammaara, sidoo kalena ay miino baaris ka sameynayaan waddooyinkeeda.

La wareegista Cammaara ayaa ka dhigan in inta badan Gobolka Mudug uu hadda xor yahay, iyadoona ciidamadu ay kulaalayaan deegaanada kale ee weli Shabaabku ka joogaan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay iminka diiradda saarayaan, sidii ay ula wareegi lahaayeen deegaanka Caad, oo loo arko mid weli muhiim u ah dhulka ay Shabaabku ka maamulaan Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Militariga ayaa sheegaya in ay jiraan ciidamo kale oo ka dhaqaaqay Degmada Xarardheere, kuna wajahan deegaanada Jowle, Dhalwo iyo Ceel Cabdi.

Cutubyo kale oo isla ciidamada ah ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan deegaanada Dabagalo iyo Dumaaye, oo iyana ay tahay in laga saaro Al Shabaab.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo ku sugan jiidda hore ee Gobolka Mudug ayaa bogaadiyay guulaha is daba jooga ay ciidamadu ka gaarayaan gulufka dagaal ee Shabaab looga suulinayo gobolkaasi.

General Cirro ayaa wacad ku maray inaanu istaagi doonin hawlgalka militari ee gobolka, illaa iyo inta ciidamadu ay ka soo taabanayaan darbiga ugu dambeeya.

Jananka ayaa ciidamada u sheegay inaanay jiri doonin meel ay uga hari doonaan masuuliyiinta uu ka midka yahay, illaama ay hawlgalka ka soo afjarayaan.

Shabaabka ayaa wajahaya culeyskii ugu weynaa ee ka soo fuula dhanka ciidamada, muddadii ay ka hawlgalayeen gobolkaasi.