Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ka socda Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka wada hawlgal looga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay maalmihii ugu dambeysay isku uruursaneysay hawdka deegaanka Cali Fooldheere, ka dib markii ay ka soo gudbeen dhanka galbeed ee Webiga Shabelle.

Ciidamo ka kala dhaqaaqay saddex jiho ayaa la sheegaya in ay hareereeyeen Shabaabka ku sugan kaymaha Cali Fooldheere, kuwaa oo meelaha qaarkood iska caabin ka sameynaya.

Ciidamadan ayaa isaga kala yimid Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jalalaqsi oo iyana ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo foodda sii gelinaya dhulka jiqda ah ee ku teedsan jiinka webiga, halkaas oo Shabaabka ay isugu guranayaan.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo hoggaaminaya ciidamada ka yimid Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xalay iyo maantaba dhanka cirka laga garaacay maleeshiyada Shabaabka, xilli sida uu sheegay in dhan kastaba laga go'doomiyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalka isugu jira dhul iyo cirba uu sii socon doono, saacadaha soo socdan ay maleeshiyadaasi soo afjari doonaan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii Shabaabka looga kicin lahaa dhulka hawdka ee Cali Fooldheere, si mustaqbalka aanay khatar amni ugu noqon gawaarida ciidamada iyo masuuliyiinta ee isugu kala goosha deegaanada Hirshabelle.