Wasiir Fiqi oo sheegay in mar kale Al Shabaab lagu jebiyay Hirshabelle

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay mar kale gelinkii dambe ee Axaddii maleeshiyada Al Shabaab ku jebiyeen dagaaladii ka dhacay deegaanada xuduudda ee labada gobol ee Hirshabelle.
Wasiirka ayaa Macawiisleyda reer Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay inay maleeshiyadaasi cashir ugu dhigeen halka ay iska galaan buu yiri Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Wasiirka oo wareysi siinayay Warbaahinta Qaranka ayaa hambalyo u diray goob kasta oo Ciidanka Xoogga Dalka & Macawiisleyda ay difaac uga jiraan iyo furin kasta oo ay kula dagaalamayaan, isla-markaana ay ku baacsanayaan sida uu yiri kooxaha argagixisada.
Ciidamada oo shalay ka soo gudbay xuduudda goboladaasi ayaa haatan ku sugan meel aan sidaasi uga fogeyn Degmada Aadan Yabaal ee Goboka Shabellaha Dhexe.
Degmadan ayaa waxaa tan iyo bartamihii bishii hore ee April ku sugan maleeshiyada Al Shabaab, markaas oo dagaal ay kula wareegeen gacan ku haynteeda.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladda degmada ay kacsan tahay, iyadoo dadkii toddobaadyadanba dib guryahooda ugu soo laabanayay ay ka baqdin qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo.
Ma cadda waxa uu ku dambayn doono masiirka degmada muhiimka ah ee Aadan Yabaal iyo cidda maamuli doonta mustaqbalka dhow.
Dhanka kale Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Difaaca Somaliya ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan in kooxaha argagixisada laga saaro deegaanadii ay dhawaan qabsadeen iyo dhulkii ay horeyba u haysteen.
Wasiirka ayaa tilmaamay in burburinta maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish ay u kaashan doonaan Ciidanka Midowga Afrika ee dalka ku sugan iyo kuwa kale ee caalamiga ah, maadaama sida uu sheegay ay isku aragti ka yihiin in kooxaha argagixisada laga ciribtiro Somaliya.
Wasiirka ayaa sheegaya in dhiigga dadka Soomaaliyeed aanu noqon doonin mid meel cidla ah ku daata, balse uu noqon doono mid ay ku manaafacaadsadaan in adeegyada dowladda la gaarsiiyo deegaanada laga xoreeyo kooxahaasi.
Wasiir Fiqi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka wada qayb qaataan dagaalka dalka looga saarayo Al Shabaab iyo Daacish, si ciidamadu ay u xaqiijiyaan guusha dagaalka.
Fiqi ayaa shacabka kula dardaarmay inaysan ku niyad jebin, hadday kooxaha argagixisada buu yiri tuulo ama magaalo gaar ah ay ku soo laabtaan, taasi bedelkeedana ay laba laabaan la dagaalankooda.
"Waayo kooxahani 18 sano ka dib meel ay noo wadaan ma jirto. Waa kuwo ku manaafacaadsada inay daadiyaan dhiigga dadka Soomaaliyeed oo dani ugu jirto in dalka Somaliya aysan ka dhalan dowlad xoogani, waana kuwa ay dani ugu jirto inay dadka Soomaaliyeed baadaan oo dhiigooda iyo xoolahooda ay jaqaan." Ayuu yiri Fiqi.
Fiqi oo sii hadlayay ayaa yiri "Kooxahaasi, kooxo la daysan karo ama la isku nacayn karo ma ahan. Kooxahaasi meel inta looga soo wada jeesto, aan xoogga halmar wada saarno ayaa lagama maarmaan ah."
Shabaabka ayaa lagu tilmaamaa khatarta ugu weyn ee amni ee maanta ka jirta dalka iyo Afrikaba, iyagoona ka biyo diidan jiritaanka Dowladnimada Soomaaliyeed.