Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay shirka Magaalada Baydhabo

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa'uud Aweys Jaamac ayaa ka warbixiyay qodobada looga hadlayo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ee maanta lagu wado in uu uga furmo Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shir guddoomin doono shirkan, isla-markaana looga hadli doono arrimo dhowr ah.

"Shirka Magaalada Baydhabo waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ajandayaal badan oo qaran ayaa looga hadli doonnaa, waxaa ugu muhiimsan arrimaha amniga ee dagaalka Khawaarijta lagu la jiro iyo Dowlad Goboleedyada doorka ay ku leeyihiin, waxaa kaloo ajandaha ka mid noqon doona arrimaha maaliyadda, sidii loo mideyn lahaa maareynta maaliyadda dowliga ah ee Dowladda Dhexe & Dowlad Goboleedyada iyo qaabkii ay ku wada shaqeyn lahaayeen ayaa laga hadlayaa." Ayuu yiri Wasiirka oo Warbaahinta Qaranka la hadlay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in madaxdu ay sidoo kale ka arrinsan doonaan arimaha doorashooyinka dalka, maadaama dalka sida uu yiri uu nidaam dimoqraadi ah ku dhisan yahay.

"Waxaa kaloo laga hadli doonnaa arrimaha doorashooyinka, maadaama dalka uu nidaam diqmooraadi ah ku dhisan yahay, isla-markaana nidaamyo doorasho loo sameynayo, qaybna waxay ka tahay kulamada caadiga ah ee Madaxda Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay mar walba uga arrinsadaan ajandayaasha qaran." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Daa'uud Aweys ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto shirka Baydhabo.