Weerarkii Degmada Baardheere oo dad loo soo qabqabtay

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga degmadaasi, ka dib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Talaadadii shalay ka dhacay degmadaasi.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa soo buuxiyay, laguna qaaday Aqalka Martida ee Maamulka Degmada Baardheere ayaa waxaa ku dhintay afar askari, iyadoo in ka badan toban qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed Gareed, kaas oo dhaawaciisa loo qaaday Magaalada Muqdisho.

Weerarka ismiidaaminta ayaa waxaa xigay tiro hoobiyeyaal ah oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku garaaceen degmadaasi, waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday afar qof oo isku qoys ahaa, halka laba kalena ay ku dhaawacantay. Afarta qof ee geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kuwaa oo hoobiye uu ku dilay hoygooda degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere, Maxamedweli Yuusuf Qorax ayaa sheegay in weerarkaasi uu saamayn weyn ku yeeshay degmadaasi.

"Qaraxii iyo weerarkii hoobiyeyaasha ee is xigxigay ee ay nagu soo qaadeen kooxaha dhagarqabeyaasha Khawaarijta, runtii wuxuu ku yeeshay degmada saamayn xoog leh, waxaa burburay Isbitaalkii weynaa ee degmada oo burbur xoog leh uu soo gaaray, sidoo kale waxaa ku geeriyooday dad shacab ah, waxaa kaloo ku dhaawacmay dad rayid ah, waxaana ku burburay qaraxaasi oo gebi ahaanba meesha ka baxay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo weerarkaasi lala xiiriirinayo, kuwaa oo sida uu sheegay la baarayo.

Gudoomiye Qorax ayaa tilmaamay in ciddii Shabaabnimo lagu helo ay horgayn doonaan sharciga, ciddii lagu waayana ay dib xorriyadooda u siin doonaan.

Weerarkan oo Al Shabaab ay sheegatay ayaa imaanaya, xilli Baardheere uu ka socday abaabul ciidan oo ka dhan ah dhulka ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.