Xaalad adag oo ka taagan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Xaalad adag oo nololeed ayaa ka dhalatay daadad xoogan oo habeen hore ku soo rogmaday Degmada Baardheere, ka dib roobab mahiigaan ahaa oo degmadaasi ka da'ay.

Roobabka ayaa sababay in uu qarka jabsado dooxii dusha ka maraayay degmadaasi, iyadoona ay biyuhu galeen dukaamo, bakhaaro iyo guryo kaloo la degan yahay.

Daadadkan ayaa burburiyay suuqii weynaa ee degmadasi, waxa kale oo jira guryo dumay, iyadoona qoysas fara-badan oo daadadkaasi ku barakacay ay qaarkood u suurtagashay in ay gaaraan duleedyada degmadaasi.

Illaa iyo hadda inta la ogyahay sideed qof ayaa ku dhimatay daadadkaasi, sida ay VOA u sheegtay Gudoomiyaha Ururka Hooyooyinka ee Degmada Baardheere, Qureysha Aadan Cumar

Saqdii dhexe ee habeen hore ayaa la demiyay korontadii degmada, si looga fogaado in korontada ay waxyeeleyso dadka rayidka ah, maadaama xargihii korontada qaarkood ay go'een. Tani ayaana adkeysay xiriirkii maamulka iyo dadka rayidka ah ee degmadaasi, ka dib markii teleefanadoodii uu dabka ka dhacay.

Ayaan Maxamed Jaamac oo 24 saac oo keliya umul ahayd ayaa BBC u sheegtay inaanay jirin cid u soo gurmatay.

"Wax ii soo gurmaday malahan, biyahaas waxay na soo galeen 10-kii habeenimo. Roobku wuxuu bilowday Maqribadii, 10-kii habeenimo ayayna biyaha daadadka guryihii noogu soo galeen. Darbiyadii baa dumay, qolalkii annaga aan ku jirnay uun buu Ilaahay nagu badbaadiyay, oo ilmo ayaa joogay meesha, sariiro iyo waxbaa la isku dulsaaray, meeshaana lagu celcelinayay." Ayay tiri Ayaan Maxamed.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere, Maxamedweli Yuusuf Qorax ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda ku soo korortay degmadiisa.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka reer Baardheere.

Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii sidaan oo kale ay daadad ugu soo rogmadeyn xaafadaha degmadaasi, tiro dad ahna ay ku dhinteen.