Xasan Sheekh oo Saraakiisha faray in ay u diyaargaroobaan wejiga 2aad ee dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgelaya xaaladda deegaanadii laga xoreeyay maleeshiyada Al Shabaab ayaa Axaddii gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa degmadaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaray degmadaasi iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saraakiisha faray in ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee gulufka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu degmadaasi u tegay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Khawaarijta.

Alcadaala ayaa sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka uu yahay mid lagu dhameystirayo dagaalka xididada loogu siibayo Shabaabka.

Wejiga labaad ee hawlgalka ayaa la filayaa in si isu mida ay uga bilowdaan Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii dowladdiisu ay kaga adkaan laheyd Shabaabka hubeysan, ka dib muddo dheer oo ay dalka ka dagaalamayeen.