Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay soo jeedin uga timid Madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay codsi uu u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ahaa inay muddo bil ah dib u dhigaan fasaxooda daba-yaaqada sanadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa maanta hortegay kulan aan caadi ahayn oo Xildhibaanada Labada Aqal ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho, ka dib codsi uu dhawaan u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka, si uu warbixin u siiyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada, arrimaha amniga, doorashada iyo xiisadda Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn Xildhibaanada Labada Aqal ka codsaday in ay muddo bil ah dib u dhigaan fasax lagu waday inay galaan 6-da bishan.

Madaxweynaha ayaa Mudaneyaasha Baarlamaanka ku booriyay inay muddo bil ah sii shaqeeyaan, si loo ansixiyo sharciyada horu-socodka u leh siyaasadda dalka.

"Si dalka uu u qaado hal waddo siyaasadeed, Mudaneyaasha sharafta leh waxaan ka codsanayaa inay shacabka Soomaaliyeed siiyaan fursadda doorasho xor ah, iyada oo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah dhismaha hay'adaha hoggaaminaya oo hirgelinaya doorasho toosan oo qof iyo cod ah." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray "Hadda si ay noogu suurtagasho hadafkaas qaran, Baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa in xilligii fasaxa bil ka mid ah, weliba bisha hore ee soo horeyso labada bilood uu u huro qaddiyadaas weyn ama uu dib u dhigto bishiisa, hadday ay hurista xitaa dhib ku tahay inuu bishaasi dib uga darsado fasixiisa, si dalka shuruucdii lagu hoggaamin lahaa oo doorasho qof iyo cod ah loo gaarsiin lahaa ay dalka uga dhaqangasho. Sharci aan meeshaan ka soo bixin ummadda Soomaaliyeed go'aan looguma gaari karo, fursad ay go'aan ku gaartana ma helayso."

Ka hor inta aysan Xildhibaanada codka u qaadin codsiga Madaxweynaha, Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa isku qabtay meelmarinta codsigaasi, Inkasta oo markii dambe cod la galshay ayay Xildhibaanadu taageereen soo jeedintiisii ahayd inay sii shaqeeyaan bishan.

Codeynta oo gacantaag ahayd ayaa waxaa codsiga Madaxweynaha ogolaaday 181 Xildhibaan, halka 12 Xildhibaan ay diideen, sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ka horyimid in la ansixiyo codsiga Madaxweynaha ayaa ku andacoonaya in uu sharci darro yahay, maadaama sida ay sheegeen uu liddi ku yahay Qodobka 66aad ee Dastuurka iyo Qodobka 82aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

12-ka bilood ee sanadka, afar bilood oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xaq u leh inay fasax galaan, iyadoo 4-tii biloodba uu Xeer Hooseedka Baarlamaanka qeexayo inay fasax leeyihiin, waana tan keentay sababta uu codsiga Madaxweynuhu uu guuxa siyaasadeed uga dhaliyay fadhigii maanta ee Baarlamaanka.