Xisbullah oo in ka badan 300 oo gantaal ku weerartay waqooyiga Israel

Xoogaga Xisbullah ayaa Sabtidan oo keliya in ka badan 300 oo gantaal ku weeraray deegaanada waqooyiga Israel, xilli uu xoogeysanayo dagaalka Ciidamada Israel iyo Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee labada dal.

Iyadoo maanta Israel laga xusayo munaasabadda Yom Kippur ayay Xisbullah soo qaadday weerarkii ugu xooganaa, sida uu sheegay Militariga Israel.

Militariga Israel waxay sheegeen in maanta illaa caawa ay Xisbullah waqooyiga Israel ku soo weerartay 360 gantaal.

Caawa oo keliya muddo hal saac ah ayay Xisbullah 40 gantaal ku garaacday deegaanada waqooyi, sida ay sheegeen Militariga Israel.

Guud ahaanba deegaanada waqooyiga Israel ayaa waxaa hareeyay seeriga digniinaha ee gantaalada, iyadoona inta badan Israeliyiinta reer waqooyiga ay waqtigooda ku qaateen goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo.

"In ka badan hal milyan oo Israeliyiin ah ayaa u cararay goobaha gabaadka inta lagu guda jiro soonka toddobaadka ugu barakada badan ee sanadka Yuhuudda." Ayaa lagu yiri war ay soo saareen Militariga Israel.

Warka ayaa lagu sheegay "Qaar ka mid ah gantaalada waa la qabtay, inta soo hartayna waxay ku dhaceen meelo bannaan."

Militariga Israel ayaa sheegay in gantaaladan laga soo tuuray koonfurta Lubnaan, mana sheegin cid wax ku noqotay.

Waa gantaalihii ugu badnaa ee ay Xisbullah maalin qura ku weerarto gudaha Israel, tan iyo intii ay dib u soo cusboonaatay xiisadda labada dhinac.