Xisbullah oo ruxday Magaalada Haifa ee waqooyiga Israel
Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay Magaalooyinka Haifa iyo Acre ee waqooyiga Israel, xilli Israel ay ballaarisay hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee koonfurta Lubnaan.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in dhawaqa seeriga digniinaha ay is qabsadeen qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan Haifa iyo Acre.
TV-ga Channel 13 ee Israel ayaa sheegay in Xisbullah ay halmar soo ridday illaa 100 gantaal, isla-markaana ay ku soo weerartay Magaalada Haifa oo keliya.
Channel 13 ayaa ku waramaya in qaar badan oo gantaalada ka mid ah ay ku soo hoobteen magaaladaasi, ka dib markii ay ka baxsadeen nidaamka difaaca hawada ee Israel.
Goobjoogeyaasha ayaa Warbaahinta maxaliga u sheegay in gantaaladu ay si toos ah u saameeyeen magaalada, balse ma jirto cid ka warbixin karta khasaaraha ay gaysteen, iyadoo aan ogolaansho laga haysan ciidamada.
Barraha bulshada ayaa la isku la wadaagay muuqaalo muujinaya burburka ka dhashay gantaalada ku soo dhacay magaalada. Muuqaalada ayaa laga arki karay guryo, waddooyin iyo gaadiidka nooca raaxada oo waxyeelo ay soo gaartay.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in gantaaladan ay argagax xoog leh ka abuureen magaalada, dadkuna ay dareemayaan in xaaladdu ay faraha ka sii baxeyso.
Xisbullah ayaa maalintii labaad oo xiriir ah beegsatay Haifa, taas oo qiyaastii 128km u jirta xuduudda Lubnaan.
Waa weerarkii ugu xooganaa oo Xisbullah ay ku qaaddo magaalada dekedda leh ee Haifa, tan iyo markii maanta oo kale sanad ka hor ay Xisbullah bilowday inay gantaalo ku garaacdo deegaanada waqooyiga Israel, iyadoo is garabtaag loo muujinayo shacabka Falastiiniyiinta.
Haifa waa magaalada ugu weyn waqooyiga Israel, waana magaalada saddexaad ee Israel ugu weyn.
Magaalada ayaa halis ugu jirta inay gubato, bacdamaa ay ku yaallaan goobo aad u guban kara.
Warshadaha saliidda ee ugu weyn Israel ee ku yaala Haifa, haamaha waaweyn ee shidaalka iyo bartilmaameedyo kale oo aad u guban kara ayay leedahay magaaladu, kuwaa oo ay suurtagal tahay in la beegsado.