Xubno isugu jira Shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish, ka dib hawlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay hawlgalka oo ku dhawaad laba toddobaad ka socday magaalada lagu soo qabtay dad, qalab iyo qaraxyo ay fashiliyeen.

"Hawlgalka wuxuu socday muddo laba isbuuc hadda ku dhow, waana socon doonnaa, ciidamaduna waxay ku qabteen shaqooyin badan, dad, qalab iyo qaraxyo ay fashiliyeen." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen saddex iyo toban qof (11 ka tirsan Al Shabaab iyo 2 ka tirsan Daacish).

"Waxay ahaayeen asal ahaan hawlgalo amniga lagu sugayay, xaasil ahaana laga dhex helay dad badan oo argagixisada ah, 13 qof oo 2 qof oo ajnabi ah ay ku jiraan." Ayuu yiri Taliyaha oo intaa raaciyay "Qiraal weeye hawlgaladii la hayay baana lagu xaqiijiyay."

Taliyaha ayaa xusay in ay jiraan 25 qof oo kale oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, kuwaa oo hadda ku jira gacanta hay'adaha ammaanka

"Kuwo la tuhunsan yahay oo illaa iyo 25 xubnood gaarayana way xiran yihiin." Ayuu yiri Taliyaha oo VOA la hadlay.

Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in hawlgalku uu hadda ka xoogan yahay sidii hore, ayna sii wadi doonaan, inta laga xaqiijinayo amniga magaalada.

"Hawlgalku hadda wuu ka ciidan badan yahay sidii hore, asalkiisuna wuxuu ahaa in lagaga hortaggo argagixisada, amniga magaaladana lagu sugo, waxyaabihii toddobaadyadii iyo billihii ugu dambeeyay ka dhacayay Gobolka Bari, ujeedkiisu saas ayuu ahaa." Ayuu yiri Taliye Dirir.

Shabaab iyo Daacish ayaa fariisimo ku leh buuraha darafyada kaga yaala Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyagoona culeys amni ku haya magaaladaasi.