Xubno ka tirsan ciyaal weerada oo lagu qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha

Ciidanka Booliska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa caawa gacanta ku soo dhigay xubnihii ugu badnaa ee ka tirsan kooxaha ciyaal weerada.

Ciidanka ayaa kooxdan ka soo qabtay Waaxda Jabad-gelle ee Ceelasha Biyaha, iyagoona la soo qabtay mindiyo iyo baangado.

Xubnahan oo lagu hayo Saldhigga Booliska ee Ceelasha Biyaha ayaa lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen falal ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socdaan hawlgalada lagu la dagaalamayo kooxaha ciyaal weerada iyo weliba burcadda.

"Hawlgalada ka dhanka ah ciyaal weerada iyo burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qaybta Guud ka go'an sii laba jibaaridda hawgaladaan, si ammaaanka bulshada uu u noqdo mid sugan." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Kooxahan oo xilliyada habeenkii ah dadka shacabka ku baarta Caasimadda Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa qayb ka ah falalka amni-darro ee ku soo badanaya magaalada.

Habeenkii xalay, ciyaal weerada ayaa xaafadda Buurka Diikow ee Degmada Kaaraan waxay ku dileen wadaad caan ka ahaa xaafaddaasi, oo lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid Macalin Cabdullaahi.