Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay inay gacanta ku dhigeen markab ay leedahay Israel

Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inay gelinkii dambe ee Axaddii la wareegeen markab marayay Badda Cas, kaas oo ay sheegeen inay leedahay Israel.

Markabkan oo nooca xamuulka ah, ayna saaran yihiin 25 shaqaale ayaa ka yimid dalka Turkiga, iyadoona uu ku sii jeeday dalka India.

Afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta Yemen, Yahya Saree ayaa sheegay in qabsashada markabkan ay jawaab u tahay ficilada foosha xun Israel ee ka dhanka ah buu yiri walaalaheenna Falastiiniyiinta ee Gaza iyo Daanta Galbeed.

"Waxaan xaqiijinaynaa inaan sii wadi doono hawlgalada militari ee ka dhanka ah Israel, illaa iyo inta ay ka joogsanayaan gardarada iyo dembiyada Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta." Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta.

Afhayeenka ayaa yiri "Haddii Beesha Caalamka ay ka walaacsan tahay amniga iyo xasilloonida gobolka, waa inay soo afjaraan gardarada Israel ee Gaza."

Yahya Saree oo sheegay in markabka ay geeyeen mid ka mid ah dekedaha dalkaasi ayaa dhanka kale sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan shaqaalaha markabka.

Israel ayaa cambaareysay weerarka markabka, oo ay sheegtay in ay ka dambeyso Dowladda Iran. Israel ayaa dhanka kale beenisay in markabka uu leeyahay ganacsade reer Israel ah. 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay in markabkaasi laga leeyahay Britain iyo Japan.

Markabkan ayaa la aaminsan yahay in uu leeyahay ganacsadaha reer Israel ee lagu magacaabo Abraham "Rami" Ungar, kaas oo ka mid ah tujaarka Israel.

Ungar ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP inuu ka warhayo dhacdadan, balse ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer.

Markabkan ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay Gacanka Cumaan. Tel Aviv waxay xilligaasi qaraxa ku eedeysay Iran.

Xuuthiyiinta oo ka arrimiya waqooyiga Yemen iyo Badda Cas ayaa dhawaan wax aan la aqbali karin ku tilmaamay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Dowladda Japan ayaa goor dambe cambaareysay tallaabada ay Xuuthiyiinta kula wareegeen markabka Galaxy Leader.