22 qof oo ku dhintay mudaaharaadkii ruxay dalka Kenya
Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen mudaaharaadkii xooganaa ee Talaadadii shalay ka dhacay dalka Kenya.
Mudaaharaadkan ayaa ahaa mid ay shacabka ku diidan yihiin sharciga cusub ee canshuur kordhinta ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay ansixiyeen.
Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Kenya, Roseline Odede ayaa maanta sheegtay in 19 ka mid ah dadka dhintay ay ku geeriyoodeen Caasimadda Nairobi.
Roseline Odede ayaa Ciidamada Booliska ku eedeysay in ay dibadbaxayaasha u adeegsadeen rasaasta nool nool, ka dib markii ay isugu soo baxeen Xarunta Baarlamaanka.
Roseline Odede ayaa tilmaamtay in ay samayn doonaan baaritaan buuxa, si ay cid u yeelato masuuliyadda dhibaatadii dhacday.
Dibadbaxayaasha ayaa boob iyo bililiqo ka gaystay magaalooyin ay ka mid tahay Caasimadda Nairobi, waxayna dab qabadsiiyeen dhismayaal ku yaala Magaalada Eldoret, oo Madaxweynaha Kenya uu ku xoogan yahay.
Dhanka kale goobaha caafimaadka ee Magaalada Nairobi ayaa lagu daweynayaa illaa 160 qof, kuwaa oo ku dhaawacmay rabshadihii shalay hareeyay dalkaasi.
Dhimashada 22-ka qof ayaa noqoneyso tii ugu badneyd ee dibadbaxyo ka dhasha ee maalin qura ay dad intaasi le'eg ku dhintaan.
Qaban-qaabiyeyaasha mudaaharaadka ayaa mar kale dadka reer Kenya ugu baaqay in Khamiista ay isugu oo baxaan waddooyinka, si Dowladda Madaxweyne William Ruto culeys loogu saaro in ay ka laabato sharciga cusub ee canshuur kordhinta.
Dowladda ayaa ciidamo fara-badan soo dhoobtay waddooyinka Nairobi, iyagoo u diyaarsan in ay ka hortaggaan rabshado ay suurtagal tahay in magaaladaasi ay berrito ka dhacaan.
Sharciga cusub maaliyadda ee lagu soo kordhiyay canshuurta ayaa ka carreysiiyay bulshada dalkaasi, kuwaa oo markii horeba ka cabanayay canshuur kordhintii la soo rogay horaan.
Kenyanka ayaa ka walaacsan sicir bararka baahsan ee muddooyinkanba ka jiray suuqyada dalkaasi, kuwaa oo canshuur kordhintan ku sheegay mid kaga sii dareysa xaaladdooda nololeed.
Madaxweynaha Ruto ayaa canshuur kordhintan u sababeeyay qorshaha qaran ee ay dowladdu ku dooneyso inaanan lagu soo tiirsanaan amaahda dibadda iyo sidii loo bixin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka.
Ka dib doorashadii Madaxweyne Ruto ee sanadkii 2022, dowladdiisa ayaa soo rogtay canshuur ay dadku u arkayeen mid xad dhaaf ah, carro xoog lehna ay ka muujiyeen.
Canshuur kordhintii la sameeyay sanadkii hore ee 2023 ayaa keentay dibadbaxyo ay soo abaabuleen siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoona isku dhac dhex maray Ciidamada Booliska iyo dibadbaxayaasha ay ku dhinteen tiro dad ah.