Hoggaamiyihii Mucaaradka Kenya, Raila Odinga oo geeriyooday

Raila Odinga oo horey u soo noqday Raysal Wasaaraha Kenya ayaa Arbacadan ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka India, isagoo 80 jir ah.
Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa la isla dhex marayay warar ku saabsan in aanu caafimaadkiisu wanaagsaneyn, inkastoo qoyskiisa iyo xulafada siyaasadda ay meesha ka saareen in uu xanuunsanayo.
Maamulka Isbitaalka Devamatha ee Magaalada Kerala ayaa ku dhawaaqay in Raila Odinga, oo ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya uu wadnaha istaagay.
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday toddobo maalmood oo baroordiiq qaran ah, iyadoona Madaxweyne William Ruto uu Raila Odinga ku tilmaamay halyeey dimoqraadiyadeed.
"Raila Amolo Odinga run ahaantii waa hoggaamiye hal jiil ah, waa nin fekerkiisu uu ka gudbay siyaasadda, dhaxalkiisuna wuxuu qaabayn doonnaa masiirka Kenya ee jiilasha soo socda." Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in aas qaran loo samayn doono ninka siyaasiga ah ee geeriyooday.
Siyaasiyiinta Kenya iyo madaxda caalamka qaarkood ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Odinga.
Raysal Wasaaraha India, Narendra Modi oo kale waxa uu sheegay in Odinga uu ahaa nin madax adag oo saaxiib la ah India.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Musalia Mudavadi oo ay ka mid tahay xaaska uu ka geeriyooday Odinga ayaa la filayaa in ay u ambabaxaan dalkaasi India, si meydka ninkaasi loogu soo qaado Kenya, halkaasna loogu aaso.
Odinga ayaa shan jeer u tartamay madaxtinimada dalkaasi oo uu ku guuldareystay, oo middii ugu dambeysay ay ahayd doorashadii sanadkii 2022 oo William Ruto loogu doortay Madaxweynaha Kenya.
Waayihiisii ugu wanaagsanaa ee gudaha waxay ahayd, markii sanadkii 2008 uu noqday Raysal Wasaaraha Kenya, ka dib wada-xaajood adag oo lagu soo afjarayay rabshadihii hareeyay doorashadii 27-kii bishii December ee sanadkii 2007 ka dhacday dalkaasi, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 1,000 qof.
Qulqulatooyinka ay dadka faraha badan ku dhinteen ayaa lagu sheegay rabshaddii siyaasadeed ee ugu xumeyd, tan iyo xorriyaddii Kenya.