Diyaarad ku burburtay duleedka Magaalada Nairobi oo dad ku dhinteen

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, markii diyaarad nooca dhexe ah ay Khamiistan ku burburtay duleedka Magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya.

Diyaaraddan oo lagu sheegay mid caafimaad oo ay leedahay AMREF Flying Doctors ayaa ku burburtay xaafad ka tirsan Degmada Kiambu oo xuduud la leh Caasimadda Nairobi.

Hay'adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa xaqiijisay dhacdadan, iyadoo sheegtay in kooxaha gurmadka ay si degdeg ah u gaareen goobta uu shilku ka dhacay.

Ciidamada Booliska iyo Militariga Kenya ayaa sidoo kale si degdeg ah uga jawaab celiyay dhacdadaasi, si ay u sugaan ammaanka goobta ay diyaaraddu ku dhacday.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ay maqleen qarax aad u weyn, isla-markaana ay arkayeen qashin ka soo daadanaya saqafyada sare ee guryaha ku yaala xaafadda Githurai.

Diyaaraddan oo nooceeda lagu sheegay Cessna Citation XLS ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha Wilson ee Magaalada Nairobi, waxayna ku sii jeeday Magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Adeegga Ambalaaska Hawada ee dalkaasi.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in adeeggu uu si buuxda uga la shaqeynayo Hay'adda Duulista Rayidka ee Kenya, si loo ogaado sababta ka dambeysa shilka diyaaradda.

Hay'adda Duulista Rayidka ee Kenya (KCAA) ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in diyaaraddu ay lumisay xiriirkii isgaarsiinta, saddex daqiiqo uun ka dib, markii ay ka duushay Garoonka Wilson.

Jahwareer ayaa bilowgii ka dhashay dhacdadan, ka dib markii Hay'adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ay mar sii horreysay si khaldan u tebisay in diyaaradda burburtay ay tahay helicopter, laakiin AMREF ayaa markii dambe caddeysay nooca diyaaradda iyo halka ay u socotay. AMREF ayaa ah hay'ad caafimaad oo ka shaqeysa Afrika, fadhigeeduna uu yahay dalka Kenya, waana hay'ad aan dowli ahayn oo daryeel caafimaadeed u fidisa bulshooyinka Afrika.

Gudoomiyaha Ismaamulka Kiambu, Henry Wafula oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka shilka ku dhintay ay ku jiraan laba dhakhtar, laba kalkaaliye iyo laba xubnood oo dadweyne ah.

Guryo dhowr ah oo ku yiilay goobta ayuu burbur ka soo gaaray shilka, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi.

Hay'adda KCAA ayaa ugu dambayn sheegtay in ay dib ka soo faah faahinta doonto waxa sababay shilka, ka dib marka la soo geba-gabeeyo baaritaanka socda.