Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Koonfur Afrika
Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jirto haweeney uur leh ayaa la dilay, ka dib markii kooxo hubeysan ay xalay xoog ku galeen guri ku yaala xaafad ka tirsan Magaalada Durban ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Kooxahan ayaa la sheegay inay beegsadeen dad ku sugnaa gurigan oo ku yaala xaafadda KwaMakhutha, xilli dadka la weeraray ay halkaasi uga socotay xaflad.
Madaxa Maamulka Gobolka KwaZulu-Natal, Thamsanqa Ntuli ayaa sheegay in laba qof ay ka badbaadeen weerarka, isagoo intaasi ku daray in aan si dhakhsa ah loo ogaan karin sababta ka dambeysa dilka dadkaasi.
"Dhacdadu waxay bulshada ku abuurtay naxdin iyo murugo." Ayuu yiri Thamsanqa Ntuli.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in kooxahaasi ay dadka isugu geeyeen hal qol, ka hor inta aysan rasaas ku furin. Sidoo kale waxay dab qabadsiiyeen bay Warbaahintu sheegtay gaari uu lahaa mid ka mid ah dadkii la dilay.
Booliska Koonfur Afrika ayaa war ay soo saareen ku sheegay in baaritaanada horudhac ah ay muujinayaan in qaar ka mid ah dadka la dilay ay ku jireen diiwaanka dembiyada ee hay'adaha ammaanka, sababo ku aaddan falal sharci darro ah oo looga shakisnaa.
Dembiileyaasha ayaa ka baxsaday goobta, booliskana waxay sheegeen in ay ku daba joogaan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka adduunka ugu sarreya dhinaca dembiyada dilalka ah.
Dalkan ayaa waxaa la sheegaa in ay ka dhacaan 26,000 illaa 27,000 oo dil sanadkii.
Inta badan dilalka ayaa waxaa gaysta kooxo burcad oo hubeysan, iyagoo ka cawda shaqo la'aan iyo faqri.
Kooxahan ayaa dhibaato ba'an ku haya dadka rayidka ah, gaar ahaan ajaaniibta ay ku jiraan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.















