Afgembi ka dhacay dalka Gabon

Saraakiisha Ciidamada Gabon ayaa aroornimadii hore ee Arbacadan ku dhawaaqay in ay la wareegeen talada dalka.

Saraakiisha oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka Gabon ayaa sheegay inay metelaan dhammaanba Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi, isla-markaana ay laaleen natiijada doorashada madaxtinimada ee dalka.

Saraakiishan ayaa ku dhawaaqay in la xiray xuduudaha dalka, illaa iyo amar dambe, lana kala diray hay'adaha dowladda, sida Xukuumadda, Guurtida, Goleyaasha Qaranka, Maxkamadda Dastuuriga iyo Guddiga Doorashooyinka.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka bisha August ee sanadka 2023, annagoo ah difaaca iyo ciidamada amniga oo ku midoobey guddiga kala-guurka iyo soo celinta hay’adaha (CTRI), annagoo ka wakiil ah shacabka Gabon iyo dammaanad qaadka ilaalinta hay’adaha, waxaan go’aansanay inaan difaacno nabadda, iyadoo la soo afjarayo nidaamka hadda jira." Ayuu yiri afhayeen u hadlay Saraakiisha sarsare ee ciidamada dalkaasi.

Tani ayaa timid wax yar uun ka dib markii Guddiga Doorashooyinka ee dalkaasi uu ku dhawaaqay in Madaxweyne Ali Bongo uu doorashada ku guuleystay markii saddexaad.

Xarunta Doorashada Gabon ee CGE ayaa looga dhawaaqay in Madaxweynaha talada haya ee Ali Bongo uu si rasmi ah ugu guuleystay doorashadii 26-kii bishan ka dhacday dalkaasi, isla-markaana uu helay 64.27% codadkii la dhiibtay.

Dowladda Gabon ayaan weli ka hadlin warka ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada ee sheegaya inay inqilaabeen dowladda dalkaasi.

Madaxweyne Ali Bongo ayaa tan iyo sanadkii 2009 ka arriminayay dalkaasi.

Dalkan oo horey uu Faransiisku u soo gumeystay ayaa leh kayd uranium, saliid iyo gaas.