Algeria oo kulan degdeg ah isugu yeertay Golaha Ammaanka, ka dib dhacdadii Rafah

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay kulan ka yeeshaan dhacdadii habeen hore ay Israel ka gaystay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, ayna ku dishay dad badan oo shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeeyay xero ay dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala galbeedka Rafah, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 45 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Dhibaneyaasha ayaa u badan hooyooyin iyo dhallaankii ay dhalleen.

Kulanka Golaha Ammaanka oo ka dhacaya Magaalada New York ayaa waxaa codsatay Dowladda Algeria, taas oo xubin ka ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah golahaasi.

Diblomaasiyiinta ayaa laga soo xigtay in kulanka degdegga ah ee Golaha Ammaanka uu noqon doono mid ay albaabada u xiran yihiin.

Safiirka Algeria u jooga Qaramada Midoobey, Danjire Amar Bendjama ayaa mar sii horreysay sheegay in ay doonayaan in dunida ay Israel kula xisaabtanto dembiyada ay gaysaneyso.

Wararka ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in Golaha Ammaanka uu xoojiyo go'aanka Jimcihii ka soo baxay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ee lagu faray Israel in ay soo afjarto duulaankeeda Rafah.

Hay'adaha caalamiga ah ayaa dalbanaya in goluhu uu xal u helo dhiigga ay Israel, sida joogtada ahi u daadineyso.

Martin Griffiths, Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada ayaa sheegay in ay ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara weerarka Israel ee Rafah, ka hor inta aysan bilaabin gulufka militari ee dhinaca dhulka ee deegaankaasi.

Martin Griffiths ayaa sheegay inaanan la aqbali karin, sida indha la'aanta ah ee ay Israel u beegsaneyso goobaha ay rayidku degan yihiin.

Griffiths ayaa hoosta ka xariiqay inaanan la qaadin karin in Israel ay weerarkii xerada dadka barakacayaasha ku tilmaamto mid khalad ah, isagoo ka jawaabayay warka shalay ka soo yeeray Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee uu ku sheegay in weerarka uu u dhacay si aan ku talagal ahayn.

"In loogu yeero khalad waa farriin aan waxba u hayn kuwa la dilay, kuwa murugeysan iyo kuwa isku dayaya inay badbaadiyaan nafo." Ayuu yiri Griffiths.

Ciidamada Israel ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay weerar ballaaran ku hayay Rafah, oo horey loogu aqoonsaday aag bani'aadantinimo, maadaama ay ku soo barakaceen inta badan bulshada ku nool Marinka Gaza.

Ka hor weerarka Ciidamada Israel, Rafah ayaa ahayd goobtii ugu dambeysay Marinka Gaza ee ay badbaado u soo doonteen qiyaastii 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah.