Caalamka oo bilaabay in diblomaasiyiintiisa ka daadgureeyo dalka Suudaan
Wadamada shisheeye ayaa Sabtidan bilaabay in ay diblomaasiyiintooda kala baxaan dalka Suudaan, ka dib toddobaad ay dagaalo culus ka dhaceen Caasimadda Khartoum, kuna dhinteen 413 qof, halka 3,551 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Dagaalka ayaa dad badani ku xanibay Magaalada Khartoum, markii marar badan la bartilmaameedsaday garoonka weyn ee Khartoum, dhinacyada dagaalamayana ay xireen marinadii magaalada looga bixi lahaa.
Qaramada Midoobey iyo dowladaha shisheeye oo horaan rajo badan ka qabay in dhinacyadu ay ixtiraami doonaan xabad joojintii lagu heshiiyay, si wada hadal looga dhex bilaabo ayaad mooddaa in ay ka quusteen, marka aad eegto sida aanay dhinacyadaasi diyaarka ugu ahayn in ay dalka ka dhaqangeliyaan xabad joojintaasi.
Labada ciidan ee ay kala hoggaamiyaan General Abdel Fattah al-Burhan, Hoggaamiyaha Militariga Suudaan iyo General Mohamed Hamdan Dagalo, Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ee RSF ayaa sheegay inay ilaalin doonin xabad joojin soconeysa 72 saacadood, oo ka bilaabaneysay 6-dii subaxnimo ee Jimcihii, tiiyoo wax ka fulay aanay jirin.
Dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, Mareykanka, Shiinaha iyo dowlado kale ayaa labada janan ku wargeliyay in diblomaasiyiintooda kala baxayaan dalka, isla-markaana ay doonayaan in si ammaan ahi uga ambabaxaan garoonka Khartoum, iyagoona soo diraaya diyaarado militari oo qaybtood halkaasi ka soo daadgureeya. Qaybaha kale ee diblomaasiyiinta ayaa la sheegay in kolonyo lagu gayn doono dekedda magaalada iyo xuduudaha dalkaasi, si ay dhanka dhulka uga sii gudbaan dalalka deriska, gaar ahaan diblomaasiyiinta iyo muwaadiniinta kale ee ku sugan meelaha ka baxsan Khartoum.
Dowladda Sacuudiga oo kale waxay sheegtay inay daadgureysay 157 qof, oo isugu jira muwaadiniinteeda iyo dad dalal kale u dhashay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, iyadoona Warbaahinta dalkaasi ay baahisay muuqaalada dad saaran markab ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Boqortooyada.
"Si nabad ah ayay Magaalada Jeddah ku yimaadeen 91 qof oo muwaadiniintayada ah iyo 66 muwaadiniin kale oo u dhashay 12 waddan, iyagoona u dhashay dalalka Kuwait, Qatar, Emirate-ka Carabta, Masar, Tunisia, Pakistan, India, Bangladesh, Bulgaria, Philippines, Canada iyo Burkina Faso." Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.
Dowladda Kuwait ayaa dhankeeda xaqiijisay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay gaareen Magaalada Jeddah. Sidoo kale Dowladda Jordan ayaa sheegtay inay bilowday daadgureynta 300 oo muwaadiniinteeda ah.
Ururada Bulshada Rayidka ee Suudaan ayaa bayaan ku sheegay inay garowsadeen in caalamku uu hadda ka rajo dhigay labada janaraal ee ku dagaalamaya dalkaasi, isla-markaana ay guuldareysteen dadaaladii ay wadeen.
Shacabka Suudaan ayaa ka baqdin qaba in dagaalku uu noqdo mid sii daba dheeraada, tani oo dalkaasi u horseedaysa fowdo qoto dheer, meeshana ka saareysa rajadii shacabku ka qabeen in dib loo soo celiyo xukunkii rayidka ahaa, ee ay janaraaladaasi meesha ka saareen 25-kii bishii October ee sanadkii 2021, markaas oo ay si wadajir ah u afgembiyeen Xukuumaddii Raysal Wasaare Abdalla Hamdok.








