Caqabado waaweyn oo ku gadaaman doorashada Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa illaa iyo hadda waxaa u muuqata in dalka laga qaban karo doorasho dadweyne (Qof & cod), xilli ay jiraan caqabado waaweyn oo aad mooddo in uu ka gaabinayo, sidii looga gudbi lahaa.

Dowladda Federaalka ayaa mucaaradad xoog leh kala kulmeysa Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta oo Puntland ay kaabeyso, iyadoona khilaafka masiiriga ah ee u dhaxeeya uu ka dhashay wax ka bedelki 30-kii bishii March ee sanadkii 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG uu ka kooban yahay.

Maalin ka dib, markii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen wax ka bedelka cutubyada Dastuurka Qabyo Qoraalka, isla-markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay, Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay wada shaqeyntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, illaa iyo inta laga laabanayo wax ka bedelka lagu sameeyay 4-ta cutub ee hore ee Dastuurkii Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ee heshiiska lagu ahaa.

Sidoo kale Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa in muddo ahba ka biyo diidanaa wax ka bedelkaasi, iyagoona Dowladda Federaalka kaga digay hannaanka ay u maamuleyso doorashada soo socotada.

13-kii bishii August waxaa natiijo la'aan ku soo dhammaaday kulamo ay Siyaasiyiinta Mucaaradka la lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, ka gadaal markii ay isla meel dhigi waayeen in laga laabto qodobadii la bedelay ee Dastuurka Qaranka, si marka hore loogu heshiiyo, haddii wax laga bedelayo iyo haddii kaleba.

Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa u gogol xaaraya in dalka sanadka 2026 laga qabto doorasho ay dadweynuhu ku soo dooranayaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa, taasoo ay mucaaradku sheegayaan in aan la qaban karin, iyadoo aanu heshiis jirin.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysanaya in ay khasab tahay in tobanaan sano ka dib dalka laga hirgeliyo hannaan doorasho oo ku dhisan metelaadda dadweynaha, si jiho cusub loogu kaxeeyo nidaamka dowladnimada ee dalka.

Mucaaradka ayaa diidan in shacabka loo tuso in ay iyagu diidan yihiin in dadku ay codkooda wax ku soo doortaan, balse ay ka soo horjeedaan qaabka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

Madaxweynaha oo iska yareynaya cadaadiska ka haysta Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ayaa ku guuleystay in uu laba garab u kala jebiyo, ka dib markii daba-yaaqadii bishii August uu heshiis la galay afar xubnood oo mab'da ahaan ka tanaasulay mowqifkii ay ku wada socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke & Ex Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku heshiiyay in doorasho toos ah lagu soo doorto Goleyaasha Deegaanka, Xildhibaanada Baarlamaanka ee Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaalba, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalkana ay soo dooran doonaan Madaxweynaha. Tani waa tanaasulkii ugu weynaa ee Madaxweynuhu uu hal tallaabo u qaado in laga heshiiyo doorashada, balse weli kuma filna in xalka la gaaro, marka aad milicsato garabka kale ee Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ay yihiin garabka ugu weyn, isla-markaan ay diidan yihiin in dalku uu doorasho aado, heshiis la'aan amaba la'aantooda, waana xilli ay horey u taageereysay Puntland, haatana ay ku soo biirtay Jubbaland.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiya garabka ugu weyn ee Xubnaha Mucaaradka ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh aanu ka baxsan karin xaqiiqada, isla-markaana ay tahay in si wadajir ah loo dhameeyo khilaafka masiiriga ah ee taagan.

Madaxda Qaranka waxay garowsan yihiin saamaynta siyaasadeed ee ay leeyihiin dhinacyada ka soo horjeeda, inkastoo ay ka shaqeynayaan in meesha laga saaro Jubbtaland-ta uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo lagu bedelayo maamul cusub oo dadka reer Jubbaland ay leeyihiin, kaas oo la doonayo in laga dhiso Magaalada Garbahaarey, isla-markaana ay Villa Somalia aqoonsan tahay.

Iyadoo caqabadahan siyaasiga ah ee ay Dowladda Federaalka wax kaga dheeli karaan, haddana waxay mushkilad kale ka haysataa dhinaca amniga, marka aad eegto in maleeshiyada Al Shabaab ay isku dayayaan in ay dhul cusub ka qabsadaan ciidamada.

Shabaabka ayaa horaantii iyo bartamihii sanadkan dhul ballaaran ka qabsaday deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, markii ay dib ugu soo laabteen degmooyin iyo deegaano horey looga xoreeyay.

Shabaabka ayaa ugu yaraan shan degmo iyo qiyaastii soddon deegaan ka qabsaday bariga Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Duruufaha amniga iyo midka siyaasiga ah ee ka jira dalka, muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee billaha ka harsan yihiin iyo Beesha Caalamka oo aan dhaqaale ku bixin doonin doorasho aan heshiis lagu hayn ayaa Dowladda Federaalka ku noqon kara xujo aan laga gudbi karin, oo haddii ay dhacdo ay keeneyso in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeysay wax lagu soo dooranayay.