Axmed Madoobe oo laga yaabo in aanu ka qaybgelin shirka Muqdisho

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) aanu ka qaybgeli doonin shirka maalinta Arbacada ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka Somaliya uga furmaya magaaladaasi.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xubin ka ah Golaha Mustaqbalka, oo ah isbahaysi ay leeyihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland ay saamayn ku yeelatay tirada xubnaha ka qaybgelaya shirka oo la xadiday.
Shirka Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka furmaya Xerada Xalane oo ku dhex taala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo Wakiilada Beesha Caalamka ay dhexdhexaadin doonaan.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo hoggaamineysa dadaalada dhexdhexaadinta ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay soo jeedisay in labada dhinac ay min laba xubnood ka yimaadaan, iyagoo ku metelaya wada hadalada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka 1aad ee Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa la sheegaya in ay iyagu ku meteli doonaan dhinaca Dowladda Federaalka, halka Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ay uga qaybgelayaan safka mucaaradka.
Madaxweyne Deni ayaa maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cadde, halka Axmed Madoobe aanu iman magaalada.
Axmed Madoobe ayaa waxaa Muqdisho ugu dambeysay bishii February, markaas oo uu kaga qaybgalay wada hadaladii guuldareystay ee labada dhinac ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada.
Shirka dowladda iyo mucaaradka ee ka qabsoomaya Xerada Xalane, oo ay degan yihiin diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala ayaa la doonaya in lagu soo afjaro is mari-waagga muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa nooca doorasho ee la doonayo in dalka laga qabto.
Beesha Caalamka oo ay qayb ka yihiin Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa riixeysa in dhinacyada siyaasadda ee dalka ay heshiis ka gaaraan arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, si Somaliya looga badbaadiyo jihada khaldan ee laga digayo in ay ku socoto.


