Ciidamada Laftagareen oo weeraray Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa saaka weerar ku galay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmadaasi ayaa iska caabin kala hortagey ciidamadaasi oo gudaha u soo galay magaalada.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana ciidamada soo duulay ay u muuqdaan kuwo xoogan.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay hawlgal ka bilaabeen Degmada Buurhakaba.

"Waxay saaka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya hawlgal ka bilaabeen Degmada Buurhakaba, sidii loo soo celin lahaa amnigii iyo kala dambayntii Dowladda Koonfur Galbeed." Ayuu yiri Afhayeenkii hore ee Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa shacabka ugu baaqay "Shacbigeenna sharafta leh ee reer Buurhakaba, waxaan leeyahay inta ay ciidamada geesiyaasha ah ee Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed ay amniga iyo kala dambaynta degmadaasi dib ugu soo celinayaan inay guryahooda ku sugnaadaan."

Ugaas Xasan Cabdi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay "Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad u xaqiijinaynaa shacbigeenna in Degmada Buurhakaba saaka Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Somaliya ay ka bilaabeen hawlgal aad u ballaaran oo lagu soo celinayo kala dambayntii iyo sharaftii dowladnimada Koonfur Galbeed Somaliya."

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ciidamada u daacadda ah Laftagareen ay ku qaadaan Degmada Buurhakaba.

Ciidamada Laftagareen ayaa toddobaadkii hore bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Laftagareen oo ku adkeysanaya in uu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed ayaa loolan dhanka awoodda maamulka kula jira maamulka cusub ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo.