Ciidamadii tababarka loogu soo xiray Xananbuure oo qaarkiid loo dhaqaajiyay Gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamadii tababarka loogu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure ay Dowladda Federaalka u dhaqaajisay jiidda hore ee bariga Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo loogu talagalay inay la dagaalamaan maleeshiyada ayaa waxaa Axaddii tababarka u soo xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ka qalabka qaatay Xerada Militariga Xananbuure ay ka qayb qaadanayaan hawlgalka militari ee bariga Gobolka Hiiraan ee lagu xoreynayo dhulka ka maqan gacanta qaranka.

Dhaqaaqooda cusub ayaa wuxuu ku aaddan yahay xoojinta guluf ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, iyagoo taageeraya ciidamadii maalmahaanba ku sugnaa duleedka deegaanka Teedaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo tan iyo Jimcihii ku sugan deegaanada Galmudug ay ka go'an tahay in ciidamadu ay dib ugu laabtaan Teedaan, oo ay ka soo baxeen 2-dii bishan, markaas oo ay Al Shabaab la wareegtay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa inoo sheegay in qorshaha la dejiyay uu yahay inay ciidamadu sidoo kale xoreeyaan Degmooyinka Maxaas iyo Moqokori.

Shabaabka ayaa dagaalo culus 7-dii iyo 27-kii bishii July ee sanadkii 2025 ku qabsaday Moqokori iyo Maxaas.

Gobolka Hiiraan ayaa ah meesha ay hadda dhaqdhaqaaqa ugu xoogan ka wadaan Ciidamada Militariga iyo kuwa Difaaca Shacabka.