Hal arrin oo Xoogaga Laftagareen ay u beegsanayaan Baydhabo

Ciidamada taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa diiradda saaraya Magaalada Baydhabo, si ka duwan magaalooyinka iyo deegaanada kale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa Isniintii weerar uu dhiig badani ku daatay ka gaystay magaaladaasi, ka dib markii ay u suurtagashay in ay dhowr saacadood ka dagaalamaan bartamaha Baydhabo, ka hor inta aan dib looga saarin magaalada.

Xoogaga taageersan Laftagareen ayaa 8-dii bishii May bilaabay inay weeraraan barraha kontorool ee ku yaala bannaanada magaalada, waxaana xigay weerar ballaaran oo 30-kii May ay gudaha ugu galeen magaaladaasi. Tan iyo intii ay weerarada ka gaysanayeen magaalada ayaa waxaan jirin weerar qura oo ay ka fuliyeen magaalo kale oo Koonfur Galbeed ah.

Sababta taageereyaasha Laftagareen ay u beegsanayaan Baydhabo, waa inay tahay Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo goobta uu maamulku ku shaqeeyo, waana tan keeneysa inay si gooniya u bartilmaameedsadaan magaaladaasi.

Inkasta oo magaalo xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ay tahay Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, haddana maamulka ayaa tan iyo markii la aasaasay ku shaqeynayay Baydhabo, halkaas oo ay ku yaallaan Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Magaalada Baydhabo waxay sidoo kale xarun u tahay Gobolka Baay oo isku xira gobolada kale ee Koonfur Galbeed ee Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya ciidamo dadka deegaanka ah oo Dowladda Federaalka ay abaabushay ayaa 30-kii bishii March la wareegay gacan ku haynta Magaalada Baydhabo, taasoo sababtay in Cabdicasiis Laftagareen uu ku dhawaaqo inuu xilka iska casilay, ka gadaal markii isla maalintaasi uu Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud uu ka raacay diyaarad u socotay Magaalada Nairobi.

Masuuliyiin ka tirsanaa maamulkiisii iyo ciidamo isaga u daacad ah ayaa bishii April ka horyimid tallaabada ay Ciidamada Militariga kula wareegeen amniga Baydhabo, markaas oo Laftagareen uu ka laabtay mowqifkiisii is casilaadda, iyadoo tanina ay sii hurisay xiisaddii siyaasadeed ee kala dhexeysay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mid militari oo soo korortay.

10-kii bishii June, Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxay Baydhabo ugu doorteen Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) inuu noqdo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ay taagnaayeen caqabado siyaasadeed iyo kuwo dhanka amniga ah.

Doorashadan oo muran uu hareeyay ayaa timid, iyadoo aan la xalin xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amniga, waxaana Laftagareen uu ka biyo diiday in uu aqbalo natiijada iyo habka loo maamulay doorashadaasi.

Dadka reer Baydhabo ayaa ridistii Laftagareen ka dhaxlay xaalad amni darro, oo aan horey uga jirin magaalada, intii uu xafiiska joogay Laftagareen.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Laftagareen ayaa si taban u saameynaya amniga, nolosha iyo xasilloonida guud ee Magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Dadka reer Baydhabo ayaa jeclaan lahaa in wax laga bedelo wada hadal la'aanta labada dhinac, si loo dhameeyo loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada. Reer Baydhabo ayaa qaba in xalka keliya uu yahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado, si loo dejiyo xaaladda.