Daadadka Suudaan oo caqabad ku noqday gargaarka bani'aadantinimo ee la gaynayo dalkaasi

Kolonyada gargaarka bani'aadantinimo ee ku wajahan Gobolka Darfur iyo meelo kale oo Suudaan ka mid ah ayaa waxaa caqabad ku noqday daadadka ku dhuftay dalka, ka dib markii roobab xoogan ay ka da'een dalkaasi.

Marinka Adré ee xudduudda Suudaan iyo Chad oo dhawaan loo furay inay gargaarka ka soo gudbaan ayaa wajahaya caqabad dheeraad ah, taas oo ah burburka soo gaaray buundooyinka muhiimka u ah isu socodka Gobolka Darfur.

Daadadka ayaa burburiyay Buundada Dooxada Azum ee ku taala Wadi Barei, oo 50km dhanka bari ka xigta Magaalada Murnei ee galbeedka Darfur.

Afar ka mid ah buundooyinka muhiimka ah ee isku xira Darfur ayaa burburay, ka dib  fatahaadaha xoogan ee ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay gobolkaasi iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah.

Tani ayaa ka dhigan in uu go'ay isku xirka bariga, galbeedka, bartamaha iyo koonfurta Darfur, waana gobolka baahida ugu badan ee bani'aadantinimo ay ka jirto.

Raadiyaha Dabanga ayaa sheegay in tobanaan qof ay dhinteen, ka dib markii uu Axaddii dumay biyo xireenka Arbaat, oo 38km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Port Sudan. Magaaladan ayaa waxaa hadda ku shaqeeya Dowladda Militariga, diblomaasiyiinta iyo hay'adaha gargaarka, sidoo kale waxaa ku soo barakacay boqolaal kun oo barakacayaal ah.

Burburka buundooyinkan ayaa caqabad ku ah in kaalmada bani'aadantinimo la gaarsiiyo dadka ku nool Darfur, oo halis ugu jira macluul, tanina waxay quus gelineysaa dadkii ka rajada qabay inay heli doonaan gargaarka naf badbaadinta ah, haddii xukuumadda uu fadhigeedu yahay Port Sudan ay ogolaatay in la furo Isgoyska Adre ee ku yaala xuduudda Suudaan iyo Chad.

Waxaa jirta cabsi laga qabo roobab hor leh, oo ay suurtagal tahay in ay burburiyaan waddooyinka laamiga ah iyo kuwa aan laamiga ahayn ee isku xira dalkaasi iyo dalalka deriska.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in tani ay noqonayso masiibo kale oo soo food saartay dadka dalkan, oo markii hore la daallaa dhacayay dagaal sokeeye.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, roobabka ayaa burburiyay ku dhawaad 27 kun oo guri, waxay kaloo waxyeeleeyeen in ka badan 31,240 guri.

Sidoo kale waxay sheegtay in roobabku ay saameeyeen in ka badan 317 kun oo qof, isla-markaana ay ku barakaceen 118 kun oo qof.

Dhanka kale Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa Talaadadan sheegtay in 38 baabuur oo gargaar sida ay ka soo gudbeen xadka Adré.

OCHA ayaa sheegtay in sahaydan bani'aadantinimo ay caawin doonto 119 kun oo qof oo ku kala sugan meelo kala duwan oo Suudaan ah.

Kala bar dadka reer Suudaan ayaa waxaa soo wajahday cunno yari, iyagoona u baahan gargaar degdeg ah, ka dib lix iyo toban bilood oo dagaal ah.

Horaan, Ciidamada Militariga Suudaan iyo Xoogaga RSF ee ku dagaalamaya dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay xanibayaan gargaarka, haddase oo kaalmada bani'aadantinimo la fasaxay waxaa qulqulka gargaarka hakad geliyay roobabka xoogan ee ka da'ay dalkaasi.