Dagaal culus oo ka soconaya dalka Suudaan

Dagaalka u dhaxeeya labada janaraal ee ugu awoodda badan Ciidamada Suudaan ayaa dib uga qarxay Magaalada Khartoum, ka dib markii dhinacyadu ay ku guuldareysteen in ay dhaqangeliyaan xabad joojintii 24-ka saac ahayd, ee ay Talaadadii ku heshiiyeen.

Dagaalka ayaa xalay ka sii socday bartamaha caasimadda, iyadoona uu saaka mar kale dib uga bilowday goobaha ay ciidamadu isku horfadhiyaan.

Ciidamada kala taageeraya Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisa, General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa weli ku dagaalamaya aagga madaxtooyada, Xarunta Taliska Guud iyo weliba garoonka weyn ee Khartoum.

Bulshada reer Khartoum ee ku go'doonsan magaalada ayaa waaberigii hore goobaha qaarkood ku soo toosay daryanka sawaxanka hubka culus iyo guuxa diyaaradaha dagaalka ee bartilmaameedyada ka fulinaya magaalada

Marka aad milicsato xaaladda magaalada, ma jiraan wax iska bedelay sidii ay ahayd dhowrkii cisho ay dagaaladu ka socdeen.

Dadka ayaa weli ku xaniban guryahooda iyo goobaha kale ee ay gabaadka ka dhigteen, mana jiraan baa la leeyahay waddooyin ay uga baxaan magaalada.

Dhibaatada kale ee haysato dadka reer Khartoum ayaa ah, iyadoo ay gabaabsi ka tahay sahayda, xaafadaha qaarkoodna waxaaba laga soo sheegaya in biyihii iyo adeeggii korontada ay ka go'an yihiin.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo goor dambe oo xalay ahayd hadlay ayaa Hoggaamiyaha Militariga Suudaan, General al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Xoogaga RSF, General Dagalo ugu yeeray in ay dagaalka joojiyaan, isla-markaana ay xabad joojinta u hoggaansamaan, si gargaarka bani'aadanimo loo gaarsiiyo dadka labada kun ka badan ee dagaalka ku dhaawacmay.

Labada janan ee horaan saaxiibada ahaa, balse markii dambe siyaasadda ku kala irdhooday ayaa u muuqda kuwo kaga sii daraya xaaladda dalkaasi.