Dagaal xoogan oo ka qarxay xarunta dalka Suudaan ee Khartoum

Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidanka Militariga iyo xoogaga la magac baxay Ciidamada Gurmadka Degdegga ee Suudaan ayaa maanta ka qarxay Magaalada Khartoum.

Ciidamadan oo loo yaqaano (RSF) ayaa sheegay in ay la wareegeen Aqalka Madaxtooyada, hoyga uu degan yahay Taliyaha Ciidanka Militariga iyo weliba garoonka weyn ee Magaalada Khartoum, ka dib markii ay Militariga Suudaan ku eedeeyeen in ay soo weerareen.

Masuuliyiinta RSF ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen Garoomada Diyaaradaha ee Magaalooyinka Merowe iyo El-Obeid. 

Saraakiisha Militariga ayaa dhankooda sheegay in dagaalka uu weli socdo, isla-markaana ay ka hortaggayaan waxa ay ku sheegeen isku dayga afgembi.

Dagaalka ayaa caawa ka sii soconaya magaalada, waxaana jira qaraxyo waaweyn oo laga maqlayo gudaha iyo daafaha magaaladaasi.

Xaalad hubinti la'aan ah ayaa ka jirta Caasimadda Khartoum, iyadoona ay dadku bilaabeen in ay isaga barakacaan guryahooda.

Dadka rayidka ayaa ka baxsanaya hubka waaweyn ee dagaalka la isku adeegsanayo, iyada oo Sabtidan ay dadka reer Khartoum u ahayd maalin adag.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii labada dhinac ay xiisad ka dhex abuurtay qorshaha Xoogaga RSF loogu darayo Ciidanka Militariga iyo weliba cidda maamuleysa. Khilaafkaasi ayaana dib u dhigay saxiixa heshiiska ay dunida taageertay, si Suudaan ay u hiigsato nidaamka dimoqraadiga.

Hoggaamiyaha RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa Madaxa Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan ku eedeeyay inuu doonayo in uu xukunka iska sii joogo, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.

General Dagalo ayaa Kuxigeen u ahaa General al-Burhan, tan iyo sanadkii 2019.

Qaramada Midoobey, Mareykanka, Midowga Yurub, Ruushka, Masar, Sacuudiga iyo hoggaamiyeyaal kale ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan.