Degmada Diinsoor oo ka baxday gacanta Maamulka Koonfur Galneed

Maamulka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa caawa fiidkii laga la wareegay gacan ku haynta Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, iyadoona noqoneyso degmadii ugu dambeysay gobolkaasi ee laga qabsado maamulkiisa.

Ma jirto degmo ka tirsan gobolka oo hadda ku hartay gacanta maamulka, marka laga soo tago magaalada xarunta u ah gobolkaasi ee Baydhabo.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa gudaha u galay Degmada Diinsoor, lamana soo sheegin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii ka hawlgelayay magaalada ay qaybtood gabaad weydiisteen Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM ee ku sugan magaaladaasi, halka kuwii kalena ay isu dhiibeen ciidamada cusub.

Ciidamada Laftagareen ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay dhaqdhaqaaqyada iyo hawlgalada ay ka wadaan Gobolka Baay, iyagoona gacanta ku dhigay dhowr degmo iyo deegaano kale.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa horseeday is bedel maamul iyo mid amni oo ku yimid magaalooyinka iyo deegaanada hoostaga Magaalada Baydhabo.

Mucaaradka uu Laftagareen hoggaamiyo ayaa haatan si buuxda u maamulaya Degmooyinka Buurhakaba, Berdaale, Qansaxdheere iyo Diinsoor iyo weliba deegaanada ku teedsan Baydhabo.