Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaalka ka qodaya dalka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegay markabka Turkiga laga leeyahay ee ÇAĞRI BEY ee shidaal qodista ka wada xeebaha dalka.
Markabkan ayaa 9-kii bishii April ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, ka dib markii 15-kii bishii February uu ka soo shiraacday Dekedda Taşucu ee Koonfurta Turkiga, iyadoo tan iyo xilligaasina uu howlo shaqo u joogo xeebaha dalka.
"Madaxweynaha ayaa khubarada iyo masuuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada la qabtay, natiijooyinka laga gaaray howlaha qodista shidaalka iyo guulaha horudhaca ah ee muuqda, kuwaasi oo qayb ka ah dadaalada lagu xaqiijinayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Villa Somalia.
Turkiga oo ah saaxiib weyn oo Somaliya ay leedahay ayaa maalgelinaya kharashka ku baxaya howlaha shidaal sahminta iyo soo saarista ee laga sameynayo dalka.
Markabka ÇAĞRI BEY ayaa ah markabkii ugu horreyay ee shidaal qodis ee Turkiga uu u diro meel ka baxsan biyaha dalkaasi.
In badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay qabaan in la gaaray oo la joogo xilligii la soo saari lahaa, lagana faa'iideysan lahaa khayraadka dabiiciga ah dalka ee aan la taaban.
















