Dhaawaca Korneyl Xasan Jaamici oo ay suurtagal tahay in dibadda loo qaado

Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay galab si xun ugu dhaawacmay qarax lala beegsaday gaadiid uu la socday.

Qaraxan oo ahaa mid waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa lala eegtay gaari Qooqan oo sarkaalkaasi uu saarnaa, waxaana uu qaraxu ka dhacay agagaarka Siinka Dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Korneyl Xasan Jaamici ayaa la weeraray, xilli uu ka soo laabanayay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuna sii jeeday dhanka Caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr ka mid ah ilaaladiisii ay ku dhinteen qaraxaasi, tiro kale oo isaga uu ka mid yahayna ay ku dhaawacmeen.

Korneyl Xasan Jaamici oo la dhigay Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ayay dhakhaatiirtu si dhow ula tacaalayaan xaaladdiisa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay ku booqday isbitaalka.

Ilo ku dhow dhow masuuliyiinta ayaa sheegaya in xubnaha qoyska ay u sheegeen in ay is dejiyaan, diyaarna ay ula yihiin caafimaad dibadda ah, haddii loo baahdo, ha yeeshee ay qoysku dalbadeen in dibadda loo qaado.

Sarkaalkan oo horey u soo noqday Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Militariga ee wax ka hoggaamineysay wejigii 1aad ee hawlgalkii maleeshiyada Al Shabaab ee sanadkii hore lagaga saaray inta badan deegaanada Gobolada Dhexe.

Korneyl Xasan Jaamici ayay dhawaan is qabteen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu khilaafkooda soo ifbaxay, ka dib markii uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow uu ku dhaliilay dib u dhaca hareeyay hawlgaladii lagu la dagaalamayay Al Shabaab.

Taliska Militariga ayaa wixii ka dambeeyay eedeymahaasi dib u bilaabay abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada, si loo dardargeliyo gulufka ka dhanka ah Shabaabka, inkastoo aysan weli hawlgaladu dib uga bilaaban bartamaha dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Korneyl Xasan Jaamici lagu amray in uu yimaado Magaalada Muqdisho, oo maalmo ka hor uu soo gaaray, shalay galabna uu la kulmay qaraxan.

Shabaabka ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan uu ku dhaawacmay Korneyl Xasan Jaamici, sida ay baahisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.

Korneyl Xasan Jaamici ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday weeraro iyo qaraxyo ay Shabaabku ka gaysteen xeryo ciidan oo uu ku sugnaa.

Xasan Jaamici ayaa 19-kii bishii February ee sanadkii 2020 ka badbaaday weerar qaraxyo ku bilowday, oo Shabaabku ay xilligaasi ku qaadeen deegaanka Ceelsaliini ee Gobolka Shabellaha Hoose, markaas oo uu ahaa Taliyaha Guutada 1aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. 

Shabaabku waxay xilligaasi sheegeen in Xasan Jaamici uu ku dhaawacmay weerarkaasi, inkastoo korneylku uu si adag u beeniyay.

Andalus ayaa warkeedii fiidnimo ee xalay ku sheegtay in Xasan Jaamici uu dhibaato badan ku hayay shacabka ku nool gobolada koonfurta iyo bartamaha.

Taasi bedelkeeda dadka yaqaana Korneyl Xasan Jaamici, waxay ku tilmaamaan mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee yaqaana xeeladda dagaalka ee Shabaabka hubeysan.