Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan oo aqbalay xabad joojin ku-meel-gaar ah

Labada janaraal ee ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa aqbalay xabad joojin kmg oo soconeysa muddo afar iyo labaatan saac ah, ka dib afar maalmood oo ay ku dagaalamayeen Magaalada Khartoum iyo goobo kale oo dalkaasi ah.
Beesha Caalamka iyo hay'adaha caalamiga ayaa culeys ku saaray Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisa, General Mohamed Hamdan Dagalo in ay xabadda joojiyaan, si gurmadka bani'aadamka loo gaarsiiyo dhaawacyada, dadkana looga daadgureeyo goobaha ay ku xaniban yihiin.
Hoggaamiyaha Militariga Suudaan, General al-Burhan ayaa Saxaafadda u sheegay in xabad joojinta ay bilaabaneyso caawa, 6-da fiidnimo.
Hoggaamiyaha Xoogaga Gurmadka Degdegga (RSF), General Dagalo ayaa bartooda Twitter-ka ku sheegay inay u hoggaansami doonaan xabad joojintaasi, si hay'adaha caalamiga ay galaangal ugu yeeshaan inay gargaarka gaarsiiyaan kuwa u baahan.
Ergayga Qaramada Midoobey ee Suudaan, Volker Perthes ayaa sheegay in ay xiriir joogto ahi la leeyihiin labada janan, si ay xabad joojinta u sii shaqeyso.
"Waxaan sii wadaynaa dadaaladaas, oo aan gacan kaga helnay Beesha Caalamka." Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suudaan, Volker Perthes.
Xabad joojinta ku-meel-gaarka ee lagu heshiiyay ayaa dadka rayidka u suurtagelinaysa in ay isaga baxaan magaalada, ka dib dhowr cisho oo ay dhexda ugu jireen ciidamada dagaalamaya, waaba haddii aanay dhinacydaasi jebin xabad joojinta, muddada lagu heshiiyay.
Muddada afarta maalmood ee dagaalku ka socday dalkaasi ayaa galaaftay nolosha illaa 200 oo qof, halka in ku dhow laba kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.


