Dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Kenya
Taageereyaasha mucaaradka ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay qaar ka mida magaalooyinka dalkaasi, iyadoo goobaha qaarkood ay ka dhaceen isku dhac u dhaxeeyay dibadbaxayaasha iyo Ciidamada Booliska.
Hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga ayaa si weyn uga horyimid sharci uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo lagu sameeyay canshuur kordhin, isagoona muddo toddobaad gudihiis ku soo abaabulay laba dibadbax oo sharcigaasi looga soo horjeedo.
Caasimadda Nairobi dad dibadbaxayay iyo Ciidamada Booliska ayaa isku dhacay, ciidamada ayaa isku dayayay in ay dibadbaxayaasha kaga hortaggaan sunta dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta nool nool, halka dibadbaxayaashuna ay adeegsanayeen dhegxaan.
Isku dhacyada xoogooda ayaa laga soo wariyay waddada Expressway ee isku xirta Nairobi iyo garoonka diyaaradaha, halkaas oo dibadbaxayaasha ay taayaro ku gubeen, qaarkoodna la arkayay iyagoo jiidaya oo jejebinaya sanaadiiqda ubaxa ee yaala hareeraha waddada laamiga.
Ciidamada Booliska ee lagu soo daadiyay waddadaasi ayaa la sheegay inay toogteen laba ka mida dadkii dibadbaxa dhigayay.
Sidoo kale dibadbaxayaal careysan ayaa la sheegay inay weerareen saldhigyo boolis oo ku yaala duleedka Magaalada Nairobi, dabna ay qabadsiiyeen gaadiid ay ciidamadu lahaayeen. Saraakiisha ayaa laga soo xigtay in dibadbaxayaashu ay dhaawaceen tiro ka mida ah askarta.
Wakaaladda Wararka AP oo soo xiganeysa Sarkaal Booliska ka tirsan ayaa sheegtay in illaa lix qof lagu dilay dibadbaxyadii maanta hareeyay dalkaasi.
Dhanka kale suuqyada iyo goobaha kale ee laga dukaameysto ee Caasimadda Nairobi ayaa maanta ahaa kuwo intooda badan xiran, taas oo loo sababeeyay ganacstada oo goor horeba walaac ka muujisay dibadbaxyadan uu mucaaradku soo abaabulayo.
Wararka ayaa sheegaya in dad dibadbax sameynayay ay boob ka gaysteen goobo ganacsi oo ku yaala xaafadda ay Soomaalida Nairobi ku badan tahay ee Islii oo ka tirsan Degmada Kamukunji. Dibadbaxayaasha ayaa la soo wariyay in ay ka faa'iideysteen goobo yar oo markaasi furnaa.
Xoghayaha Guddiga Ganacsatada Islii, Cumar Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in goobaha la boobay ay yihiin dukaamo yaryar oo xaafadda ku yaala, isla-markaana aan la boobin suuqa weyn ee Islii.
Raila Odinga ayaa mar dambe joojiyay isu soo bax ay galabta ka dhigi rabeen Garoonka Kamukunji, halkaas oo lagu waday in taageereyaashiisu ay ku muujiyaan caradooda ku aaddan, sida ay saakay ula dhaqmeen hay'adaha ammaanka.
Raila Odinga ayaa sababta ay isu soo baxaasi u baajiyeen ku sheegay inay heleen xogo sheegaya in goobta lagu diyaariyay dad loo adeegsan rabay inay halkaasi qalalaase ka abuuraan, isagoona tani ku tilmaamay shirqool loo maleygay taageereyaashiisa.
Odinga oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhalleeceeyay gacanta adag ee ay ciidamadu kaga hortaggeen taageereyaashiisa, waxaana uu ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada, illaa laga soo saarayo sharci cusub oo meesha ka saaraya kan Madaxweynuhu uu bishii June saxiixay ee canshuur kordhinta.
Dadka dhaliila siyaasadda Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in canshuur kordhintan ay sii kordhin doonto dhibaatada haysata dadka Kenyanka ee ka cabanaya sicir bararka baahsan ee dalka ka jira.
Dowladda ayaa ku andacooneysa in canshuurta la bixin karo ay dooneyso inay wax kaga qabato bixinta daynta sii kordheysa ee dalka lagu leeyahay iyo in la maalgeliyo hindise shaqo abuur.














