Dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka dhacay dalka Kenya

Dibadbaxyadan oo ay soo abaabuleen Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Isniintii 2aad ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaasi Kenya.

Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeedaa sicir bararka ku sii baahaya dalkaasi, iyadoona dowladda lagu eedeeyay inaanay waxba ka qaban sicir bararkaasi.

Ugu yaraan hal qof ayaa inta la ogyahay lagu dilay dad isugu soo baxay Magaalada Kisumu, ka dib markii Ciidamada Booliska ee ka hortagga rabshadaha ay isku dayeen in ay dadkaasi kala eryaan.

Kisumu oo ah magaalada 3aad ee dalkaasi ugu weyn, marka laga soo taggo Nairobi iyo Mombasa ayaa waxaa ku badan taageereyaasha Mucaaradka.

Booliska ayaa maanta si weyn u adkeeyay ammaanka Caasimadda Nairobi, inkastoo xaafado ku yaala magaaladaasi ay ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeyay ciidamada amniga iyo dibadbaxayaasha.

Goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa maanta ahaa kuwo intooda badan xiran, iyadoona ay dowladdu hakisay tareenada soo gala xarunta dhexe ganacsiga ee Nairobi, cabsi laga qabo in dibadbaxayaashu ay weeraraan rugaha ganacsiga.

Dhanka kale boqolaal qof oo dibadbaxayaal ah ayaa weeraray beer ay leeyihiin qoyska Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Uhuru Kenyatta, taa oo ku taala duleedka Magaalada Nairobi.

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada looga soo horjeedo Dowladda Madaxweyne William Ruto.

Odinga ayaa ku goodiyay in maalin kasta oo Isniin ah ay dalka ka dhigi doonaan dibadbaxyadaasi, tani oo walaac ku haysa bulshada dalkaasi qaybteed.

Dowladda Kenya ayaa ku tilmaamtay dibadbaxyadaasi kuwo sharci darro ah.