Dowladda Itoobiya oo wada hadal la gelaysa Jabhadda Oromada ee OLA

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dowladdiisa ay wada hadalo la geli doonto Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in wada hadaladu ay Talaadada berrito ah ka bilaaban doonaan dalka Tanzania.
Afhayeenka Jabhadda Oromada ee OLA, Odaa Tarbii ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsigii Warbaahinta ee wada hadaladaasi.
Jabhadda OLA ayaase bayaan ku sheegtay in Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu aqbalay shuruudahoodii gorgortanka nabadda.
OLA oo laga mamuucay dalkaasi ayaa daba-yaaqadii sanadkii 2021 ku dhawaaqday in ay la midowday Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF, oo markaasi dagaal adag kula jirtay Dowladda Federaalka Itoobiya.
Dowladda Federaalka iyo Jabhadda OLA ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin weeraro dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Oromia ee dalkaasi Itoobiya.
Waa markii ugu horreysay oo Addis Ababa ay ka dhawaajiso in ay wada hadalo la gelayso OLA.


