Dunida Muslimka oo maanta laga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan

Dunida Muslimka iyo dalalka kale ee caalamka, ee ay ku nool yihiin ummadda Muslimiinta ayaa maanta laga sooman tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan.

Bishii ina dhaaftay ee Shacbaan oo ku dhammaatay soddon maalmood ayaa meesha ka saartay khilaafka iyo kala qaybsanaanta xilliyada qaarkood ka dhasha bilashada bisha barakeysan ee Ramadan. 

Sidoo kale geyiga Soomaalida ayaa waxaa muuqata in si isku mida Khamiistan looga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan.

Ramadanku waa bisha ay soomaan ummadda Muslimiinta, waana bisha ugu fadliga badan billaha Islaamka, waana mid ka mida 5-ta tiir ee Islaamka.

Muslimiinta ayaa isugu hambalyeeya curashada bishan soon-qaad, iyagoona juhdi badani ku bixiya, sidii ay kaga faa'iideysan lahaayeen acmaasheeda.

Muslimiinta ayaa fadliga bishan naxariista badan awgeed waxay afuriyaan masaakiinta, xubnaha ugu dhow ehelkooda iyo weliba kuwa kale ee ay jecel yihiin.