Garab ka mid ah dhinacyada Suudaan oo ku dhawaaqay xabad joojin 3 maalmood

Garabka uu hoggaamiyo General Mohamed Hamdan Dagalo ee Ciidamada Gurmadka Degdegga ee Suudaan (RSF) ayaa shaaciyay inay ogolaadeen in saddex maalmood la hakiyo dagaalka, sababo ku aaddan digniinaha sii kordhaya ee ku addan xaaladda bani'aadanimo ee taagan.
RSF ayaa bayaan ku sheegtay inay u hoggaansami doonto dadaalada uu caalamku ku doonayo in dalka lagaga dhaqangeliyo xabad joojin 72 saacadood ah, kana bilaabaneysa 6-da subaxnimo ee Jimcahan.
"Ciidamadu waxay soo dhaweynayaan munaasabadda Ciidul Fidriga iyo in la furo waddooyin bani'aadanimo, si gargaarka loo gaarsiiyo, loona daadgureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Garabka kale ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan ayaan illaa iyo hadda ka falcelin xabad joojintaasi, waana xilli Caasimadda Khartoum ay saaka ku waaberiisatay qaraxyo xoogan iyo guuxa diyaaradaha dagaalka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in labada hoggaamiye uu ka dalbaday xabad joojin laga dhaqangeliyo dalkaasi.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa dhinacyada Suudaan ku booriyay in ay dagaalka joojiyaan ugu yaraan saddex maalmood oo ku aaddan munaasabadda ciidda, isla-markaana ay rayidka u ogolaadaan inay gaaraan goob ammaan ah.
Dagaalkan oo galaaftay nolosha in ka badan saddex boqol oo qof, tiro ku dhow saddex kun-na ay ku dhaawacantay ayaa si weyn u saameeyay Magaalada Khartoum iyo dalkaasi intiisa kale.
Shacabka Suudaan ayay Jimcahan ciidda ugu soo gashay toddobaad ay martigeliyeen dagaal uu dhiig badani ku daatay.


