Golaha Ammaanka oo ansixiyay qaraar dalbanaya in dagaalka Suudaan la joojiyay bisha RamadanĀ 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay ansixiyay qaraar dhinacyada Suudaan looga dalbanayo in ay si degdeg ah dagaalka u joojiyaan bisha barakaysan ee Ramadan.

Dagaalka dalkaasi oo qarxay 15-kii bishii April ee sanadkii hore ayaa u dhaxeeya Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo, kuwaa oo ku dagaalamaya awoodda dalkaasi.

Golaha Ammaanka ayaa dhinacyada ka dalbaday xabad joojin ka dhaqangasha dalkaasi, inta lagu guda jiro bisha Ramadan ee foodda inagu soo haysa.

Qaraarka xabad joojinta degdegga ayaa ahaa mid ay soo diyaarisay Britain, ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu walaac ka muujiyay masiibada bani'aadantinimo ee dalkaasi.

Xoghaye Guterres ayaa ka digay in masiibada bani'aadantinimo ee Suudaan ay gaartay heer aad u baaxad weyn.

James Kariuki, Kuxigeenka Safiirka Biritain ee Qaramada Midoobey ayaa meelmarinta Golaha Ammaanka ee qaraarkan ku tilmaamay farriin cad oo golahaasi uu u diray Taliska Militariga Suudaan iyo Xoogaga RSF ee General Dagalo uu hoggaamiyo.

Labada janan ee ugu awoodda badan ciidamada dalkaasi ayaa lagu dhalleeceeyaa in ay ka masuul yihiin barakaca mallaayiinka qof, geerida kumanaan kale, dhibaatooyinka bani'aadantinimo ee aadka u daran iyo dib-u-dhaca weyn ee dalkaasi uu wajahayo.

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda lagu dhaliilaa in ay ka masuul tahay waxa ka socdo dalkaasi, haddii aanay qaadin tallaabooyinkii saxda ahaa ee colaadda lagu joojin karay.

Qaramada Midoobey ayaa hadda ka digeysa in kala bar shacabka dalkaasi oo 45 milyan lagu qiyaaso ay u baahan yihiin kaalmo bani'aadantinimo, 10 milyan oo ka mid ahna aysan haysan wax cunto ah.

Suudaan ayaa ku sii socota waddada burburka iyo halaaga, oo saamayn weyn ku yeelan karta dalalka deriska/gobolka iyo kuwa kale ee dunidaba.