Golaha Ammaanka oo warbixin ka dhageystay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ka yeeshay xaaladda murugsan ee ka taagan dalka Suudaan, ee ka dhalatay dagaalka toddobaadkii hore ka qarxay Magaalada Khartoum ee u dhaxeeya labada janan ee ugu sarreya ciidamada dalkaasi.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suudaan, Volker Perthes, kaas oo muuqaalka fogaan aragga kaga qayb qaadanayay kulankaasi.

Wakiilka iyo shaqaalaha kale ee Qaramada Midoobey ayaa ka guuray Caasimadda Khartoum, iyagoona saldhigtay magaalada bariga suudaan ku taala ee Port Sudan.

Volker Perthes ayaa golaha u sheegay in xabad joojinta looga dhawaaqay dalkaasi ay ka jirto qaybo ka mida dalkaasi, oo dalka oo dhan aanay ka jirin.

Waxa uu sheegay in dagaalada ay dib uga soo cusboonaadeen gobolada qaar ee dalka, sida Gobolka Darfur oo kale, isagoona yiri "Xaaladda Gobolka Darfur ayaa weli ah mid kacsan."

Perthes ayaa muujiyay in Militariga Suudaan iyo ciidamada sida militariga oo kale u tababaran ee RSF ay u nugul yihiin in ay xabad joojintaasi jebiyaan.

"Ku dhawaad ​​1,200 qof oo ay ku jiraan 744 shaqaale oo Qaramada Midoobey ah iyo diblomaasiyiin kale ayaa loo raray Port Sudan. Guuritaankayaga iyo daadgureyntayadu macnaheedu maaha in Qaramada Midoobey ay ka tageyso Suudaan. Waanu sii joogi doonnaa, annaga oo hubinayna xabad joojin joogto ah, oo leh habka kormeerka, dib ugu noqoshada gorgortanka siyaasadeed, yareynta xaaladda bani'aadanimada iyo silica." Ayuu yiri Perthes.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ugu baaqay Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo in ay colaadda joojiyaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay in dagaalkaasi uu isu bedelo mid daba dheeraada, taa oo cawaaqib xumo dalka u horseedeysa.

"Dagaalku waa inuu si degdeg ah u joogsadaa, waxaan u baahanahay dadaal dhan walba ah oo nabada. Hogaamiyeyaasha Suudaan waa in ay danta dadkooda hor dhigaan oo ay dhexda u galaan, gaar ahaan mar haddii khilaafkani aanu noqon doonin oo aan lagu xalin doonin goobta dagaalka ee meydadka carruurta, haweenka iyo ragga Suudaan. Dadka dalkaasi ayaa si cad u sheegay rabitaankooda, waxay rabaan nabad iyo soo celinta xukunka rayidka, iyada oo loo marayo u gudubka dimoqraadiyadda." Ayuu yiri António Guterres.

Labada nin ayaa habeenkii Isniinta ku heshiiyay xabad joojin saddex maalmood soconeysa, oo Mareykanku uu garwadeen ka yahay.