Gudoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari iyo Kuxigeenadiisa oo lagu doortay Laascaanood
Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa maanta loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Laascaanood.
Doorashadan oo ahayd mid ah ay wax dooranayeen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa waxaa goobta soo xaadiray 83 Xildhibaan, oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka Waqooyi Bari.
Tartanka doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u dhaxeeyay Xildhibaan Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo helay 53 cod iyo Xildhibaan Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed oo isna helay 29 cod.
Shir Guddoonkii KMG ee doorashaa maamulayay ayaa sheegay in hal cod uu xumaaday, isla-markaana uu 53 cod ku guuleystay Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, kaas oo noqonaya Gudoomiyihii ugu horreyay ee Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo dhawaan lagu dhisay Magaalada Laascaanood.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ee la doortay.
Dhanka kale Xildhibaanada ayaa waxay Amran Axmed Xasan u doorteen Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka, halka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad-na loo doortay Cabdirisaaq Jaamac Warsame.
Xildhibaan Amran Axmed Xasan ayaa 57 cod kaga guuleysatay musharaxa lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed oo helay 20 cod.
Xildhibaan Cabirisaaq Jaamac Warsame oo u muuqday in uu keligiis ku tartamayay jegad Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ayaa ku guuleysatay 79 cod.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhawaan ay soo dooran doonaan Madaxweynaha uu maamulka yeelanayo iyo Madaxweyne Kuxigeenka.



















