Hay'adda WHO oo ka hadashay khatarta ku gadaaman shaybaar u gacan galay kooxaha Suudaan

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in mid ka mid ah garabyada ku dagaalamaya Magaalada Khartoum uu la wareegay shaybaar ku yaala magaaladaasi, oo ay yaallaan namuunado ah kuwa cudurada dabeysha, jadeecada iyo daacuunka.
Wakiilka Hay'adda WHO ee Suudaan, Nima Saeed Abid ayaa xaaladda ku sheegay mid aad iyo aad khatar u ah, iyadoona uu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta qabsashada shaybaarkaasi.
Waxa uu sheegay sheegay in farsamayaqaanada aanay u suurtagelin in ay gudaha u galaan Shaybaarka Qaranka Caafimaadka, si ay u xaqiijiyaan badqabadka muunadahaasi.
"Taasi aad iyo aad bay khatar u tahay, sababtoo ah waxaa shaybaarka inoo yiilay muunadaha lagu dabar-gooyo dabeysha, jadeecada iyo daacuunka." Ayuu yiri isagoo muuqaalka fogaan aragga kaga qaybgelayay kulan ay Saraakiisha Qaramada Midoobey ku yeesheen Magaalada Geneva.
Nima Saeed ayaa yiri "Waxaa jirta khatar bayooloji oo aad u weyn oo la xiriirta qabsashada Shaybaarka Dhexe Caafimaadka Dadweynaha ee Khartoum, oo mid ka mid ah dhinacyada dagaalamaya la wareegeen."
Ma sheegin cidda dhabta ah ee shaybaarkaasi qabsatay, marka laga soo taggo in mid ka mid ah labada garab ee dagaalamaya ay qabsadeen.
Dhanka kale Nima Saeed ayaa sheegay in 459 qof lagu dilay dagaalka, tan iyo markii uu 15-kii bishan ka qarxay Caasimadda Khartoum, halka 4,072 kalena lagu dhaawacay.
Dadka degan magaalada ayaa Talaadadii bilaabay in ay si weyn uga barakacaan magaaladaasi, iyagoo ka faa'iideysanaya xabad joojinta aan cagaha badan ku taagnayn, ee ay habeenkii Isniinta ku heshiiyeen labada janaraal ee dagaalamaya.
Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ee RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa ku heshiiyay xabad joojin saddex maalmood soconeysa, oo Mareykanku uu garwadeen ka yahay.
Dagaalka ayaa shalay ka sii socday magaalada, iyadoo dhinacyada uu midba midka kale ku eedeeyay weeraradii maalinimadii shalay ka dhacay xarunta dalka Suudaan ee Khartoum.
Labada janan ee ku dagaalamaya awoodda dalkaasi ayaa u muuqda kuwo xaaladda kaga sii daraya.


