Josep Borrell "Xal militari kuma jiro dagaalka Suudaan"

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee dalka Suudaan, ka dib dagaalka bartamihii bishan ka qarxay Magaalada Khartoum.

Waxa uu sheegay inaanan xal ciidan looga bixi karin colaadda dalkaasi, caalamkana ay tahay in dhinacyadu uu ku cadaadiyo in xal siyaasadeed laga gaaro xurgufta u dhaxeysa.

Josep Borrell ayaa sheegay in uu la hadlay labada janaraal ee dagaalamaya, waa Hoggaamiyaha Militariga Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ee RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo, baaqiisana uu daaran yahay in dagaalka la joojiyo.

"Farriinta Beesha Caalamka waa isku mid, waa in la joojiyaa dagaalka, waana in la dhigaa hubka, lana bilaabo wada hadal, iyadoo xal siyaasadeed la baadi-goobayo." Ayuu yiri Josep Borrell.

Borrell ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Ma jiro xal militari oo looga bixi karo dagaalkan, waana waxa aan sameynayno."

Midowga Yurub ayaa diblomaasiyiintiisa ka daadgureeyay Caasimadda Khartoum, kuwaa oo dib loogu celiyay Qaaradda Yurub, sida uu Warbaahinta u sheegay Borrell.

"Labaatan diblomaasi oo ka tirsan Ergada Midowga Yurub ayaa laga daadgureeyay Khartoum, waxaana dib loogu celiyay Yurub." Ayuu yiri Borrell.

“Muwaadiniin kaloo badan oo ka tirsan dalalka Midowga Yurub iyo kuwo kale ayaa laga daadgureeyay Khartoum. Kuuma sheegi karo tirada dhabta ah, waase hubaal inay kun (1,000) ka badan yihiin." Ayuu sii raaciyay Borrell.

Dagaalkan sida kediska ah toddobaadkii hore uga qarxay Magaalada Khartoum ayaa walaac xoog leh ku dhaliyay dalalka ay diblomaasiyiinta ka joogaan dalkaasi, ka gadaal markii ay dhinacyadu ka gaabiyeen inay dhaqangeliyaan xabad joojintii ay ku heshiiyeen, si bal fursad loogu helo in waan-waan laga dhex bilaabo janaraaladaasi dagaalka u caaboon, khatartana u horseedaya dalka iyo dadka reer Suudaan.