Kenya oo gacanta ku dhigtay nin dilay 42 haween ah
Taliska Booliska Kenya ayaa maanta ku dhawaaqay inay gacanta ku soo dhigeen nin dilay sagaal qof oo dumar ah, balse baaritaanka socda uu ku qirtay inuu dilay illaa 42 haween ah.
Ninkan oo tuhun uu soo galay ayay Ciidamada Booliska gacanta ku soo dhigeen, ka dib markii laamaha amniga ay Jimcihii goob qashin-qub ah ka heleen meydadka sagaal qof oo la jarjaray, bacna ku jira.
Saraakiisha Booliska ayaa Axaddii sheegay in sagaalka qof ee meydadkooda la helay ay dhammaantood dumar ahaayeen, iyadoo ayna dhacdadan ka dhacday xaafadda Mukuru ee Magaalada Nairobi.
Agaasimaha Hay'adda Dembi Baarista Kenya, Mohamed Amin ayaa sheegay in eedeysanaha gacanta lagu soo dhigay 3-dii aroornimo, ka dib hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Booliska iyo Hay'adda Dembi Baarista.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in eedeysanaha laga soo qabtay Gobolka Xeebta, ka gadaal markii tixraac lagu sameeyay teleefanka mid ka mid ah haweenkii uu duufsaday, ka hor inta aanu dilin.
"Eedeysanuhu waxa uu qirtay in uu soo jiitay 42 haween ah, ka dibna uu tuuray meyddkooda." Ayuu yiri Agaasimaha Laanta Dembi Baarista Kenya.
Agaasimaha ayaa xaqiijiyay in su'aalihii ninkan la weydiiyay uu ku qirtay inuuba dilay 42 haween ah, oo ay ku jirto xaaskiisii.
Mohamed Amin ayaa sheegaya inay la tacaalayaan dilaa halis badan, iyagoona baaritaan ku sameynaya caafimaadka dilaagan, oo uu ku tilmaamay mid aan wax ixtiraam ah u hayn nolosha bani'aadamka.
Ku Simaha Taliyaha Booliska Kenya, Douglas Kanja ayaa dhankiisa sheegay in dilaaga laga soo qabtay meel u dhow baar uu xalay ku daawaday ciyaartii finalka ee Spain iyo Ingiriiska.
Haweenka la dilay oo si isku mida loo dilay ayay da'doodu u dhaxeysay 18 illaa 30 jir, sida ay boolisku sheegeen.
Ciidamada ayaa hoygii uu deganaa ninkan oo 33 jir ah ka soo helay baangad iyo caddeymo kale oo ku filan kiiskan uu ku eedeysan yahay.
Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya dhowr caddeymo oo lala xiriirinayo gacan ku dhiiglaha.
Sida ay boolisku sheegeen Jomaisi Khalisia ayaa qirtay in tan iyo sanadkii 2022 uu dilay tobanaanka dumarka ah ee dilkooda uu sheegtay.
Qirashadan la yaabka leh ayaa argagax ku beertay bulshada reer Nairobi iyo guud ahaanba dadka Kenyanka ah.
Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay goobta uu fal dembiyeedku ka dhacay, oo howlo baaritaan ay ciidamadu ka wadeen
Dhacdadan ayaa noqotay tan loogu hadalhaynta badan yahay dalka Kenya oo dhan.
Dilaagan ayaa noqonaya mid ka mida ah dilayaashii ugu halista badnaa ee soo maray Kenya, inta ay taariikhdu qoreyso.