Kenya oo sheegtay in rabshadihii Nairobi ay sababeen khasaare dhaqaale oo dalka soo gaaray

Madaxweyne Kuxigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dibadbaxyadii rabshadaha watay ee Isniintii ka dhacay Magaalada Nairobi ay sababeen khasaare maaliyadeed oo soo gaaray dhaqaalaha dalkaasi.
"Goobo badan oo ganacsi oo ku yaala suuqa bartamaha ee Magaalada Nairobi ayaan la furin, sababo ku aaddan cabsi laga qabo dhac iyo burbur hantiyadeed." Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa xusay in Kenya ay shalay oo keliya khasaartay lacag dhan, shan iyo toban milyan oo dollarka Mareykanka ah ($15M).
"Ganacsi la'aanta soo food-saartay suuqa bartamaha ayaa sababtay in dalka uu lumiyo ku dhawaad laba bilyan oo lacagta shilinga Kenya ah, lacagtaas oo ahayd inay ku meereysato dhaqaalaha." Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka.
Isbahaysiga Mucaaradka oo dibadbaxaan ka dhigay bartamaha Nairobi ayaa sababay in ay isku dhacaan taageereyaashooda iyo ciidamada amniga.
Rigathi Gachagua, Madaxweyne Kuxigeenka Kenya ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu baaqay in ay joojiyaan rabshadaha.
Hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaasi, Raila Odinga ayaa ku goodiyay in uu hadda uun bilow yahay dagaalka, Isniin kastana ay dalka ka dhigi doonaan dibadbaxyada, illaa iyo inta dadka dalkaasi ay xuquuqdooda ka helayaan, sida uu yiri.
“Weli la isma gaarin, dagaalku wuu bilowday, Isniin walba dibadbax ayaan dhigi doonnaa. Si fiican u maqla hadalkayga, dagaalku waa bilow, mana ahan mid dhammaan doona, illaa iyo inta shacabka Kenya ay xuquuqdooda ka helayaan.” Ayuu yiri Raila Odinga.
Dibadbaxyadii rabshadaha watay ee shalay hareeyay Caasimadda Nairobi ayaa hakad-geliyay dhaqdhaqaaqii guud ee magaaladaasi, iyada oo ganacsataduna ay walaac ka muujiyeen hadalka Odinga, ee ah in maalin kasta oo Isniin ah ay dibadbaxyada qaban doonaan.
Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Magaalada Nairobi ayaa saaka degan, waxaana dib loo furay goobaha waxbarashada, iyadoona dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ay sidoodii hore ku soo laabteen.


