Koonfur Afrika oo Israel ku soo oogtay dacwad la xiriirta xasuuqeeda Gaza

Dowladda Koonfur Afrika ayaa Jimcihii Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga u gudbisay dacwad ka dhanka ah Israel, oo ku aaddan in xasuuq ka waddo Marinka Gaza.

Koonfur Afrika ayaa Israel ku dhalleeceysay in ay xasuuq ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool magaalada muddada dheer go'doonsan ee Gaza.

Dacwadda loo gudbiyay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ayaa lagu saleeyay in Israel ay dabeecad ka dhigatay ficiladeeda xun xun, maadaama ay weli ku howlan tahay burburinta Gaza, oo qayb ka ah dhulka Falastiiniyiinta.

"Israel waxay ku howlan tahay, welina ay halis ugu jirtaa inay sii waddo falalka xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza." Ayaa lagu yiri dacwadda laga soo gudbiyay Israel.

Koonfur Afrika ayaa maxkamadda ka codsatay in Tel Aviv ay ku amarto in ciidamadeeda ay joojiyaan weerarada ay ka wadaan Magaalada Gaza.

Sidoo kale waxay maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto amar ku-meel-gaar ah, oo lagu farayo Israel in ay si degdeg ah u joojiso hawlgalada militari ee ka dhanka ah dadka Gaza.

Koonfur Afrika ayaa xaq u leh inay kiis noocaan oo kale ah ku soo oogi karto Israel, maadaama ay labaduba ka mid yihiin dalalka saxiixay jiritaanka maxkamadda.

Hawlgalka saddexda bilood ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan kow iyo labaatan kun oo qof oo rayid ah, iyada oo ciidamadeeda ay burburiyeen lixdan boqolkiiba (60%) kaabeyaasha rayidka, halka ay barakaciyeen ku dhawaad laba milyan oo qof, xilli ay jirto cunto yari aad u daran, dawo la'aan iyo adeegyadii biyaha iyo korontada oo laga jaray magaalada.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ciqaab wadareedka lagu hayo dadka rayidka ah ay ka dhigan tahay dembi dagaal.