Labada janaraal ee ku dagaalamaya Suudaan oo eedeymo isu jeediyay

Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisa, General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa eedeymo isu mariyay hawada, xilli dagaalka uu ka sii soconayo dalkaasi.
Labadan nin ayaa hoggaaminayay afgembiga 25-kii bishii October ee sanadkii 2021 lagu riday dowladdii rayidka ahayd, ee uu hoggaaminayay Raysal Wasaare Abdulla Hamdok, inkastoo dadaalo ay sameeyeen Beesha Caalamka iyo bannaanbaxyada dalkaasi hareeyay ee looga soo horjeeday afgembigaasi ay keentay in militarigu uu bishii xigtay ee November dib u soo celiyo xukuumaddaasi. Raysal Wasaare Hamdok ayaase is casilay horaantii bishii January ee sanadkii 2022.
Isku dhacyada hubeysan ee haatan ku dhex maraya dalkaasi ayaa waxaa soo dedejiyay, ka dib khilaaf u muuqday mid lagu sii kala fogaanayo oo toddobaadyadii la soo dhaafay soo kala dhexgalay.
General Abdel Fattah al-Burhan oo wareysi siiyay Aljazeera ayaa Hoggaamiyaha RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo ku eedeeyay in ciidamadiisu ay weerareen saldhigyo ciidan iyo Qasriga Martida ee Magaalada Khartoum, wuxuuna sheegay inuu aad ula yaabay, markii Ciidamada RSF ay weerareen hoygiisa, subaxnimadii Sabtida.
General al-Burhan ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada RSF ay gudaha u galeen Garoonka Diyaaradaha Khartoum, iyaga oo soo maray dhismaha Xajka iyo Cumrada, ha yeeshee ay si adag uga hortaggeen Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, sida uu yiri.
Jananka ayaa intaasi ku daray in ciidamada ay sugeen nabadgelyada Xarunta Taliska Ciidanka, isla-markaana aanay jirin sida uu yiri cid geli karta.
"Ciidamada Qalabka Sida Suudaan ee ka imaanaya meelaha ka baxsan Khartoum, waxay soo geli doonaan magaalada, haddii uu dagaalka ka sii socdo." Ayuu yiri General al-Burhan.
Dhanka kale jananka la eedeeyay, waa General Dagalo ayaa beeniyay eedeyntaasi, isagoona yiri "Cidna maanu weerarin, dagaalkeenuna wuxuu jawaab u yahay in nala hareereeyo." Ayuu yiri jananka oo isna la hadlay Aljazeera.
Waxa uu sheegay in Ciidanka Militariga Suudaan ay markii hore soo weerareen kuwooda, oo ay ku hareereeyeen xeryahooda.
"Waxaan la yaabnay, markii ciidamo badan ay ku hareereeyeen ciidamadeenna xeryaha." Ayuu yiri jananka oo intaasi ku daray in RSF aanu wax khilaaf ah kala dhaxeen Militariga Suudaan, dagaalkuna aysan bilaabin.
General Dagalo oo sidoo kale loo yaqaano (Hemedti) ayaa ku tilmaamay al-Burhaan dembiile iyo beenaale burburinaya Suudaan, isagoona ku hanjabay in Ciidamada RSF ay sharciga horkeeni doonaan isaga iyo saraakiishiisa.
General Dagalo ayaa hoggaamiya maleeshiyada, sida militariga oo kale u tababaran ee loogu magac daray (RSF).
RSF ayaa u badan xoogaga taageersan Dowladda Suudaan ee loo yaqaano (Janjaweed), kuwaa oo horaan lagu eedeeyay in ay gabood-fallo ka gaysteen Gobolka Galbeedka Suudaan ku yaala ee Darfur.


